Qura’aanka iyo Muusigga

Ifiye Qardhaas

Cabdisaciid Candi Ismaaciil…………..
“Muusiggu Beershiyaanka wuxuu u ahaa suugaan, Roomankana falsafad, Carabtana wuxuu u noqday cilmi.” Jaaxid (776-868).

Sida uu ku dooday Karl Marx, diinta iyo fanka labaduba waxay ka tirsan yihiin waxa uu ugu yeeray dhismaha sare ee bulshada (=The Superstructure /البنية الفوقية “, mararka qaarkoodna diinta iyo fanku waa isdhamaytiraan, laakiin maadaama hadafkoodu uu kala duwan yahay, aalaaba labo qaab oo kala geddisan bay u shaqeeyaan.
Fanku wuxuu daneeyaa quruxda, fannaankuna wuxuu ka fekeraa timaaddada, wuxuuna higsadaa in timaaddadu ay ka wanaagsanaato tagtada, berrina ay shalay ka fiicnaato. Si taa ku lid ah, wadaaddada diimuhu waxay daneeyaan akhlaaqda taban (=Negative ethics /الأخلاق السلبية” ee ku dhisan ka dheeraanta sharka iyo xumaha, waxayna aamminsan yihiin in mar walba ay tagtadu ka wanaagsan tahay timaaddada, berrina ay shalay ka liidanayso. Sidaa awgeed, wadaaddadu si ay u ilaaliyaan akhlaaqda dadka, waxay ka xarrimaan wax walba oo cusub, iyaga oo qiil ka…

View original post 2,175 more words

Daawo “Beenu Raad Maleh”

Waa wax laga naxo in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay. Mashruuca oo sanado soo socday waxaa deeqdiisa leh Baanka Aduunka, fulintiisana haydaha WFP iyo UNICEF, maamulkiisa kore ayaa lagu maamusay dawlada Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu gacan qabto dadka ay abaaraha, fatahaadaha webiyada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga cayrteeyeen oo ay dalagii iyo xoolahii noolaa ka baabi’iyeen ka dibna xeryaha qaxootiyada galay, si ay noloshoodii dib ugu laabtaan oo saboolnimada looga saaro.

Sow ma haboonayn intii uu Madaxweynuhu oran lahaa waa markii ugu horaysay oo ay dawladu dadkeeda deeq gaarsiiso in uu mashruuca runta ka sheego, una mahadceliyo cidii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, ka dibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay, isagoo khajilayana raaciyo kaalinta ku haboonayd in ay dawladu yeelato oo ah in ay deeqda bixiso, intii uu sheegan lahaa deeq ajnabi ka timid, welina u ekeysiin lahaa in dawladu ugu tala gashay ka hortaga Karoona Fayris.

Waxa ugu muhiimsan ee hoggaan siyaasadeed laga rabo, kumana sii jiro hogaamiye dal burbur ka soo kabanaya, waa in uu dadkiisa runta u sheego, una daacadnimo waramo, sababtoo ah waa ficilada dhisa kalsoonida uu shacabku dawladiisa ku qabo, waxayna kobcisaa aaminaada uu muwaadinku hogaankiisa u hayo

.

Waa kuma Cabdirashiid Janan?

Ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya, Sareeye-guuto Zakiya Xuseen, ayaa shalay shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiida Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.
Dhanka maamulka Jubbaland ayaa shaki ka muujiyay arrintaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulkas aya lagu yiri “Waxaan madaxda xukuumadda federaalka si degdeg ah uga dalbaneynaan in ay meel ku sheegaan wasiirka”.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bishii Augst ee 2019-kii, shaacisay inay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.
Soo shaacbixii Janan
Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da’yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.
Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya.
Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya.
Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi.
Dagaallada uu ka qeybgalay
Cabdirashiid Janan waxaa la sheegaa inuu dagaallo kala duwan ka qeybgalay.
Sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalami jirtay ururka Al-Itixaad ee ka soo horjeeday ciidammadii Itoobiya ee Gedo soo galay, kaas oo uu ka soo helay khibraddiisa dagaal walow aanan la ogayn tirada dagaallada uu waqtigaas galay.
Markii uu noqday gudoomiyaha degmada Doolow, waxa uu bilaabay inuu abaabulo ciidamo isaga ka amar qaata oo daacad u ah kuwaas oo ay u tababareen una qalabeeyeen ciidammada Itoobiya.
Dagaalladii ugu cuslaana wuxuu la galay ururka Al-Shabaab oo muddadaas haystay inta badan degmooyinka gobolka Gedo.
Hasayeeshee Cabdirashiid Janan wuxuu ku dhaawacmay mid ka mid ah dagaalladii uu la galay ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa in dagaalkaasi uu Shabaab iyo ciidammadiisa ku dhexmaray inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Garbahaarey.
Tacaddiyada lagu eedeeyay
Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo.
Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.
Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.
Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.
“Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo,” ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango.
“Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya”, ayuu yiri Seif Magango.
“Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiray uuna musaafuriyay qaar ka mid ah dad ku noolaa magaalooyiinka uu ka taliyay ee maamulkiisa uu gaaray.
Eedahaas waxaa ka mid ah dagaal bartimihii sannadkii 2016 ka dhacay magaalada Baledxaawo halkaas oo lagu dilay laba qof iyo lix kalana lagu dhaawacay ka dib markii “ciidammada Jubaland ay weerrareen maleeshiyo ay sheegeen inay isku uruursanayeen magaalada”.
Hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan “Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha”.
Sidoo kale waxay la xiriiriyeen “Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo” muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017.
Waxaa ka sii horraysay eed aheyd inuu si bareer ah u toogtay oo maydkoodana uu bannaanka ku tuur afar qof oo haweeney ay ka mid aheyd oo ku jiray xabsiga degmada Doolow, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria.
Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin.
Shilkii gaari
Cabdirashiid Janan, bilowgii sannadkii 2015-kii, wuxuu dalka Itoobiya ku galay shil gaari. Dhaawac culus ayaa shilkaasi ka soo gaaray waxaana markii hore lagu dabiibay isbitaal ku yaalla dalka Itoobiya markii dambana dibadda ayaa loo sii qaaday.
Shilkaas wuxuu saameeyay caafimaadkiisa. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur waxaa wajigiisa ka muuqda raadka qalliinnadii lagu sameeyay intii lala tacaalayay.
Muddo ayuu ka maqnaa xafiiska awoodda badan ee uu ka hayay maamulka Jubbaland ee ah wasiirka amniga.
Shaacinta dilkii Dulyadayn
Bartamihii bishii June ee sannadkii 2016, wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo magaalada Kismaayo kula hadlay wariyayaasha, ayaa xaqiijiyay in ragga la dilay uu ku jiro Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn), iyo ciidan tiradoodu uu ku sheegay 16 oo 4 ay saraakiil Al-Shabaab yihiin.
Saraakiisha kale ayuu magacyadoodu ku sheegay Farxaan iyo Macalin Isxaaq oo “qaraxyada Kismaayo u qaabilsanaa” ururka.
Maxamed Maxamuud Cali (Dulyadeyn) ayey dowladda Soomaliya u haysatay weeraro badan oo dad ku dhinteen, halka dowladda Kenya ay ku eedeysay weerarkii jaamacadda Gaarisa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof.
Dalabka Jubbaland ee siideynta Janan
Maamulka Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii ay dowladda Federaalka Soomaaliya xabsiga ugu taxaabtay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, waxa ayna si degdeg ah u codsatay in la sii daayo.
Jubbaland ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay “nolosha, amniga iyo badqabka” wasiirka Muqdisho lagu xiray.
Wasiirka warfaafinta ee Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa BBC-da sharraxaad ka siiyay war-saxaafadeedka ay arrintaas kasoo saareen, wuxuuna sheegay in wasiirka la xiray isagoo xasaanad leh, meel uu illaa iyo hadda ku sugan yahayna aan laga warqabin.
“Waxaan dooneynaa inaan ogaanno xaaladda uu ku sugan yahay wasiirka, meesha lagu hayo iyo sababta loo qabtay intaba”, ayuu yiri Injireen Cabdi.
Wuxuu intaa ku daray in dalabka uu ku aaddan yahay cid walba oo ku lug leh xarigga Cabdirashiid Janan, wuxuuna yiri: “Waa inaan fahanno sharciyadda loo maray xiritaankiisa, war saxaafadeedkeennana wuxuu ku socdaa ciddii ka dambeysay qabashadiisa; dowladda Federaalka iyo garsoorka. Waan damacnay in aan la hadalno dowladda laakiin way diideen inay ka hadlaan arrintaas, wasiirkana meel lagala xiriiri karo ma jirto”.
Go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku cafisay Janan
Bishii Juun ee sannadkan ayay aheyd markii ay soo shaacbaxday warqad ay soo saartay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay ku burinaysay dacwad Cabdirashiid Janan ka taallay maxkamadda kaas oo uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ee Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku astaysnaa 30 kii bishii Abriil ee isla sannadkan ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid maxkamadeed oo horay maxkamaddaasi uga soo baxay.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), waa mid ka mid ah wasiirrada ugu awoodda badan maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.
Wuxuu dowr muhiim ah ka soo dheelay abaabulkii iyo aasaaskii dowlad goboleedkaas, taas oo keentay inuu wasiirka amniga ee aan dhicin ka noqdo maamulkaas mudada uu jiray.
Shaac baxa khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland
Bishii Oktoobar ee sannadkii 2018-kii, wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirishiid Jana oo la hadlayay saraakiisha ciidamada ee maamulkaas wuxuu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso maamulkooda, wuxuuna ka digay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan ciddii kusoo xad gudubta.
“Meesha la yiraahdo Baydhabo doorashaa ka socota, waxa ka jirana waad ogtihiin, baabuur dad laga soo hormariyo, 20 wasiir oo la’isku soo daro. Anagana doorasho ayaan u soconaa, qof kii raba in uu doorasho galo waxaan ogolnahay isaga oo nabad ah, oo shaqsi ah in uu garoonkaas kasoo dego, ma dhibaateyneyno, xaq buu leeyahay”, ayuu yiri Janan.
Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin waxa dadka qaarkiis lagula dhaqanayo ciddii nagula dhaqanta awood baan u leenahay in aan garoonka ka celino”.
“Qofka doonaya in nidaamka aan ku shaqayno mid aan ahayn uu meeshan ka sameeyo, waa in marka hore uu inaga na xaaqo; haba na buufiyo haddii uu rabee. Qaab awoodeed haddii aan dareeno, waxaan waddano bakoorado ma ahan,” ayuu yiri Cabdirishiid oo u muuqday in uu muujinayay in Jubbaland ay hubeysantahay.

Maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo Lakala diray

Dowladda Somalia ayaa maanta kala dirtay maamulka Rugta Ganacsiga ee gobolka Benaadir, kaddib markii idaacadda VOA ay dhowaan tabisay in kooxda al-Shabaab ay ku lug lahayd magacaabista guddomiyaha Rugtaasi Axmed Cabdullahi Xassan, oo haatan sida la sheegay u xiran ciidamada nabad-sugida Somalia.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xassan ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in kadib markii ay wasaaraddiisu ogaatay cabashooyinka la xiriira magacaabista guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Banaadir la go’aamiyey in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 01/25/2020 lakala diray maamulkaasi.
Weriyaheena Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan ka diyaarisay magacaabista guddoomiyaha iyo sida al-Shabaab ay ugu lug lahayd.

SOOMAALIYA “Zubayr Al-Muhaajir: Hoggaanka Shabaab iskuma dhaqaan shareecada”

SOOMAALIYA
Zubayr Al-Muhaajir: Hoggaanka Shabaab iskuma dhaqaan shareecada

Mid ka mid ah saraakiishii ugu saraysay ajaanibta ku biirtay ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu kasoo goostay kooxda. Zubayr Al-Muhaajir ayaa VOA u sheegay inuu kasoo mid noqday golaha shuurada ee Xarakada Al-Shabaab.
Zubayr Al-Muhaajir waxa uu asal ahana kasoo jeedaa dalka Ivory Coast, waxaana uu ku hadlaa dhowr luuqadood oo ay ka mid yihiin Faransiis, Carabi iyo Ingiriis. Waraysigan uu siiyey VOA waxa uu ku bixinayaa luqadda Soomaaliga. Haaruun Macruuf oo waraysigan la yeeshay ayaa warbixintan inooga diyaariyey.

“Maxay Tahay sababta Ciidamada dowlada ujoojiyeen xaflada”

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Dhuusomareeb ayaa maanta joojiyey munaasabad ay xubno ka tirsan Ahlu-Sunna ku qaban lahaayeen magaalada Dhuusamareeb, taas oo lagu taageerayey 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siiyey baarlamanka Galmudug.
Xafladda oo ay wadeen xubnaha Ahlu Suna ayaa markii hore la ogolaaday inay dhacdo, laakiin maanta barqadii ayaa lagu wargeliyey inaan la dhigi karin xafladaasi, kadib markii ay goobta lagu qaban lahaa tageen taliyaha booliska dhuusamareeb.
Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mid ah xildhibaannada ay soo magacawday Ahlu-Sunna ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisey munaasabadaas, ayna tahay caburin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya.
Arrintaan ayaa imaaneysa kadib markii Ahlu Sunna ay maalin ka hor shaacisay liiska 20-ka qof ee ku matali doono baarlmaanka Galmudug iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan.
Xubnaha ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka tirsan beelaha Galmudug oo sheegay inaan si siman xildhibaanadaas looga qaadin beelaha ku heshiiyey dhismaha Galmudug.
Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Shaacir Sheegow

Wasiir Beyle oo $5 milyan dalbaday in loogu shubo akoon gasr ah “Email”

Isu-duwihii hore ee kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa bartiisa twitter soo dhigay email uu u diray wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo uu Bankiga Dhexe ku weydiistay in lacag shan milyan oo dollar ah lagu shubo account gaar ah.
Email-kan ku taariikheysan bishii March ee 2019 ayaa loo diray guddoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe, wuxuuna u qornaa sida:-
“Dear Maryam,
“Subax wanaagsan. Sida aan ka wada-hadalnay, waxaan kaa codsanayaa inaad si deg deg ah u qaaddo tallaabooyinka soo socda.
1. Laba milyan oo dollar ka wareeji lacagta Sacuudiga
2. Hormuud waxay 2.5 milyan oo dollar keeni doontaa kowda bisha April, 2019.
3. Nus milyan waxaa laga soo wareejin doonaa STA (Faadumo ayaan kala hadlay inay sameyso sidaas).
“Lacagahan marka la isku darto waa shan milyan oo dollar. Fadlan ku wareeji akoonka AMNIGA, waxaa loo isticmaali doonaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga”.
Jay Bahadur ayaa u muuqday inuu dhalleeceynayey hanaanka maaliyadda dowladda, wuxuuna yiri “Astaan muujineysa horumarka DF ka samaysay hanaanka maaliyadda.
Emailkan ahaa March 2019, oo uu wasiirka maaliyadda ku dalbanayo in akoon hoosaad loogu wareejiyo 5 milyan oo dollar, isaga oo kaliya sidaas ku samaynay wicitaan taleefon oo loo diray Bankiga Dhexe.”

Bahadur ayaa goor dambe sharxay inuusan ula jeedin inuu wasiirka ku dhalleeceynayo musuq-maasuq, balse uu tilmaamayey kaliya arrin uu hanti-dhowraha qoranka walaac ka muujiyey.
Beyleh oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegaya in tani ay tahay “si wax xun u fasir ceeb ah” oo laga sameeyey email sharci ah, si loogu wiiqo dadaalalda deyn-cafinta Soomaaliya.
“Waa murugo in kuwa markasta wax mucaarada ay doonayaan inay hor-istaagaan taageerada caalamiga ah ee deyn-cafinta Soomaaliya ayaga oo samaynaya si wax u tarjun ceeb ah, oo ay u adeegsanayaan emailo sharci ah oo gaar ah oo ay ku heleen si sharci-darro ah. Habkeena maaliyadda waa mid adag, oo cad oo horumarsan, islamarkaana sii hormaraya maalin kasta. Waxaa naga go’aan is-beddel.” Ayuu yiri wasiir Beyleh.

Xildhibaan “Daahir Amiin Jeesoow” Doorasho Qof & Cod Ma dhici karto

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka, islamarkaana ka mid ah xildhibaanada taageersan xukuumadda, ayaa sheegay inaysan Soomaaliya waqtigaan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
Xildhibaan Jeesow ayaa ku dooday in amniga dalka uu yahay mid aan la isku haleyn karin, sidaas darteedna aysan macquul aheyn in been loo sheego shacabka Soomaaliyed.
Wuxuu sheegay inuu Muqdisho baabuur uga bixi jiray kuna tagi jiray Jowhar, markii uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, balse uusan hadda tagi karin sababo amni awgeed, isagoo sii raaciyey in xataa aan Afgooye la aadi karin.
“Aniga waxaa la iga soo doortay Jowhar, markii ay doorashada socotay maalintii shan jeer ayaan baabuurkeyga ku tagi jiray Jowhar, hadda lama tagi karo xataa waxaa halis ah in la aado Afgooye” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay inay dowladda Soomaaliya iska daa wax kale ay xitaa ku fashilmatay sugidda Amniga inta u dhaxeyso Sayidka iyo Madaxtooyada, sidaas darteedna aysan suurta gal aheyn in dadka safaf dhaadheer lasoo geliyo loona sheego inay dhaceyso doorasho qof iyo cod ah.
“Albaabkii Villa Somalia ayaa la isku dilayaa oo weerar ka socdaa, sidee doorasho qof iyo cid ah ah ay dalka uga dhaceysaa, ma shacabka ayaa been loo sheegayaa.” ayuu yiri Jeesow.
“Ha noqdo madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiir, iyo xildhibaan, qof kasta oo yiraahdaa dalkan ayaa doorasho qof iyo cod ah ka dhici kartaa, waa beenlow.” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.
Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Jeesow oo la hadlay taleefishinka RTN

Khasaaraha ka dhashay weerarkii caawa ee ” Hotel SYL”

Khasaaraha ka dhashay weerarka SYL iyo qaar ka tirsan dableydii Al-Shabaab oo la toogtay

December 10, 2019
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in weli rasaas laga maqlayo Hotel SYL oo ay maqribnimadii Caawa weerareen dabley ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
Tirada dableyda Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Hotel SYL ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 5 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacmaha laga tuuro.
Waxaa la toogtay Seddex ka tirsan dableyda Al-Shabaab iyadoo ay weli hotelka dhexdiisa ka dagaalamayaan laba tirsan Al-Shabaab.
Labada dabley ee ka tirsan Al-Shaab ee weli ka dagaalamayo Hotelka ayaa la sheegay inay galeen meel shub ah oo ay kasoo ridayaan rasaas iyadoo ay ciidamada Dowladda weli ku howlan yihiin sidii ay usoo afjari lahaayeen.
Xilliga weerarka lagu soo qaaday Hotelka SYL ayaa la sheegay in casho sharaf loogu sameenayey qaar ka tirsan odayaal dhaqameedyadii lagu marti qaaday kulankii Maanta lagu caleema saaray Guddoonka Beelaha Habargidir.
3 ka tirsan odayaal dhaqameedyadii halkaas casho sharafta loogu sameeyey ayaa la sheegay inay ku dhinteen gudaha Hotelka halka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu ku dhintay rasaasta ka socoto Hotelka.
Sidoo kale dad badan oo Shacab ah oo aan weli tiradooda la helin ayaa ku dhintay weerarkaas, iyadoo dhinaca kalana ay ku dhaawacmeyn illaa 2 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Dadka Hotelka ku dhintay ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka oo la sheegay inuu dhawaan ka imaaday dalka Sacuudiga.
Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa weli isisoo tarayo, waxaana marba marka ka dambeeyo lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawac cusub maadaama weli ay socoto rasaasta.
Ragga hubeysan ee galay gudaha hotelka ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka hotelka ama dhismaha ay weerarayaan.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay.
Hoteelka SYL ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab iyadoo uu ka dhashay qasaare kala duwan.

“Farmaajo, Kheyre, Mursal & Cumar Finish oo Dalka kawada Maqan”

Madaxda ugu sareysay ee dowladda Soomaaliya ayaa ka wada maqan dalka, Kuwaasoo safarro kala gaar gaar ah ugu maqan wadamo dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub.
Madaxda wadanka ka maqan ayaa kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Duqa Muqdisho Cumar Finish.
Qofkii u danbeeyay ee safra waxa uu ahaa Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay magaalada Nairobi, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta dadweynaha oo uu soo qaban qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA).
Waxaa ka sii horeeyay oo Barqanimadii maanta wadanka isaga dhoofay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo noqon lahaa Kusimaha Madaxweynaha, Mursal waxa uu ku sugan yahay magaalada Addi-Ababa ee Caasimadda dalka aan Bada leheyn ee Itoobiya.
Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna Caawa ku sugan dalka Faransiiska oo uu maanta gaaray, isagoo wadankaa isaga dhoofay Axadii Shalay, wuxuuna halkaasi uga qeyb galayaa shir sanadeedka labaad ee madasha Nabadda Paris, Khayre wuxuu uga sii gudbi doonaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo isaguna Caasimadda isaga tagay Khamiistii 7-da bishan ayaa ku sugan magaalada Durban ee wadanka Koofur Afrika.
Wadanka Kusime Madaxweyne waxaa Caawa ka ah Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/Weli Sheekh Ibraahim Muudeey, halka Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabkuna yahay Mahad Cabdalla Cawad.
Maqnaanshaha madaxda ayaa ku soo aadeysa xili wadanka uu ka jiro buuqa ka dhashay xanibaadii shalay Muqdisho iyo Beledweyn lagu saaray Madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasoo ku hanjabay iney la dagaalamayaan dowladda hadeysan cadaadiska ka dhaafin.

Dhageyso : “Wareysigii Taliyaha Asluubta V.O.A”

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyay hadal caro badan dhaliyay oo dhawaan ka soo yeeray, kaas oo ahaa in qof naafo ah aan looga baahneyn in uu qorto ama ka sii mid ahaado ciidanka Asluubta.

Maxaa lagu maagay Jawaari? – Afhayeenkii hore ee BF oo ka sheekeeyey wixii isaga iyo Farmaajo dhex-maray

Maxaa lagu maagay Jawaari? – Afhayeenkii hore ee BF oo ka sheekeeyey wixii isaga iyo Farmaajo dhex-maray

Waxaan Magaalada Nairobi ku kulanay Mudane Mohamed Sh Osman Jawaari oo ahaa gudoomiyihii 9aad iyo kan 10aad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed inta u dhexeysay 2012-2018.
Waxaan ka korarsaday taariikh aad ugu weyn umadda Soomaaliyeed waxay ii aheyd habeen iga duwan habeenada kale maxaa yeelay waxaan fursad aan u helay in aan dhageysto taariikh iyo dastuur nool oo socda isla markaasna wax badan i bareysa.
Isa salaamid iyo is maxabeyn kadib waxaan ugu gudo galanay is wareysigeen guud ee soomaaliya iyo gaar ahaan koofur galbeed sidii sheekaba sheeko ay i noo dhiibeysya waxaan dul istaagnay taariikh kasoo bilaabaneyso 1954 ilaa 2019 iyo doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo hab raacyadii loo maray.
Wuxuu ila wadagay in dalka ay doorasho ka qabsoomi jirtay shantii sano mar lana qaban jiray bisha Maarso.
Doorashadii dhacday sanadkii 1962 markii ay dhamaatay mudo xileedkii halka sano ee ku meel gaarka ahaa ee Mudane Madaxweyne Adan Cabdulle Cusmaan (Cade), tirada guud ee shacabka soomaaliyeedna lagu qeysay 3 Malyan xiligaas labada magaalo ee aan tuulooyin hoos imaan waxay aheyn laascaanood iyo Berbera oo midiiba waxaa ka jirtay 113 xaruun cod bixin iyo 117 xaruun cod bixin magaalooyinka kale way ka badnaayeen xaruumahood cod bixnta Burhakabo oo kale waxaa ka jirtay ku dhowaad 170 xaruun cod bixin ah.
Sanadkii 2016 suuro gal ma aheyn in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod waxaan soo jeediyey in la sameeyo gole ay u dhanyihiin saamileyda siyaasada ee umadda soomaaliyeed si aan uga tashano halka laga yimi oo ah in dalka dibadiisa doorasho lagu qabto iyo halka la joogo sanadkii 2012 dalka doorasho lagu qabatay gaar ahaan magaalada muqdisho iyo xildhibaanada hal oday uu soo xulaayey iyo Halkeen ka adi karnaa halkan?
Beesha caalamka oo dhuunta noogu jirtay oo maalin kasta na lahaa waad qaban kartaan ee qabta doorasho hal qof iyo hal cod ayaan waxaan soo jeediyey in la sameeyo doorasho dadban isla markaasna goobaha doorashada lagu qabanaayo la badiyo oo magaalada muqdisho banaanka looga baxo iyo meeshii hal oday wax soo xuli lahaa tiro ka badan la sameeyo kadib waa la ila qaatay sidaas ayaan doorasho ku aadnay waan lagu guuleystay Allah ayaana ku mahadsan.
Waxaan ku iri Mudane Gudoomiye Maxay Xukuumada Mudane Madaxweyne Farmaajo kugu maagtay?.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ii yeeray iguna yiri dalka waxaan rabaa in aan doorasho hal qof iyo hal cod ah ka hirgeliyo marka waxaan kaa rabaa in aad igala shaqeeyso, Ma xumo ayaan ku iri balse waxaan weydiiyey sidee ayaad ugu hirgelin kartaa arintaas bal ii sheeg?, Sidaas ayaan rabaa ayuu ka badin waayey wax jawaab ah wuu iga siin waayey markaas ayaan ugu warbixiyo in aysna suuro gal ku aheyn dhowr arimood ay ka mid tahay in uusan dalka gacanta ku wadi jirin iyo imkaaniyaadka la haysto, waxaan tusaale ugu soo qaatay 1962 oo dadka intaan ay ka yaraayen dalkana uu xor ahaa wixii dhib ah laga maray iskaba daaye doorashadii 1967.
Mar kale ayuu hadalka uu ku laabtay madaxweyne Farmaajo wuxuuna igu yiri dhowr goobood oo dadka la isugu keeno in ay ka dhacdo doorasho shacabka ay ku dooranayaan madaxweynaha ayaan rabaa, Taasi hadii ay dhacdo awoodaha madaxweynaha iyo Barlamaanka ay sinaanaayo korjoogteyna majiro doonto, Waxaan ku iri mudane madaxweyne arintaas ma suuro gali karto aniga oo dhowr meelood oo sharci ah ka tusay laakin kuma uusan qancin. Arintaas ayaa ugu weyneed wax ay igu maageen.
Waxay ii aheyd habeen aad iigu qurux badan oo aan wax badan ka bartay taariikhda umadda soomaaliyeed iyo siyaasadaha is diidan oo dalka kasoo jiray inta u dhaxeysa 1954–2019.
Waan soo kabay maxaa yeelay qormadaan kuma wada dhameystiri karo wixii aan kala soo kulamay arimihii aan Koofur galbeed qormo kale ayaan kasoo sameyn doonaa hadi Rabi idmo.
Mahadsanidiin.

W/Q: Mohamed Ali Barre

Cali Max’ed Gaaboow

Alshabasb oo baahisay muuqaal Amiirkooda laga duubay lkn la qariyay

XIgasho: Caasimada Online

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay Muuqaal soconaya in ka badan 50 daqiiqo oo laga soo duubay hoggaamiyahooda Axmad Cumar Abuu Cubeyda.
Muuqaalkan ayaa intiisa badan uu Abu Cubeyday uga hadlay weerarkii dabayaaqadii September ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya ee Ballidoogle iyo arrimo kale.
Muuqaalka waa laga qariyey wejiga Abu Cubeyda, waxaana la tusinayaa kaliya gacmihiisa. Waxaa sidoo kale muuqaalka ku jira kooxdii fulisay weerarka saldhigga Balli-doogle.
Muuqaalkaan oo ah kii ugu horeeyay oo uu ka soo muuqday hoggaamiya Al-Shabaab ayaa waxuu sidoo kale ku dheeraaday ka hadalka gabood fallo uu sheegay in ciidanka Mareykanku uu ka geysto Soomaaliya iyo guud ahaan dunida, iyagoo soo bandhigay dad ay sheegeen in ay eheladooda ku waayeen duqeymaha Mareykanku uu ka geystay Soomaaliya.
“Hadaba waxaan rabaa inaan halkan fariin uga diro shacabka Mareykanka ee canshuurta ku bixiya gumaadka Ummadeena la dagaalanka diinteena, boobka kheyraadkeena iyo taageeridda kuwa loogu yeero dowladda Federalka, Shacabka Mareykanka waxaan leeyahay: ma is weydiiseen howlgallada uu ciidankiinu ka wado Soomaaliya, marna mala xisaabtanteen xukuumadiina oo ma weydiiseen waxa lagu qabto canshuurta leydinka aruuriyo iyo halka ay ku baxdo, ma isweydiiseen waxa ay AFRICOM ku heyso caruurteena” ayuu yiri Abuu Cubeyda.
Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Dowladiina waa tan garab iyo gaashaan u ah taageero, taakuleyn iyo tababar joogta ahna la daba taagan maamulka Muqdisho, Ciidankiina waa kuwa burburiya macaahida u badkeena tacliinta lagu siiyo, arday Qur’aan akhrisaneysana ku laayay degmada Saakoow Ciidankiinu waa kuwa carruurteena ka afduubtay dugsiyada iyo macaahidda, waa kuwa xasuuqay dad aamin ku ah deegaankooda oo isugu jira beeraley, ganacsato, nabadoono, culimo, arday, waayeello, dumar, carruur iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan”.
Axmed Abuu Cubeyda hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab mar uu soo hadal qaaday taageerada dhaqaale ee dowladda Mareykanku ay siiso dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in canshuurta laga qaado shacab weynaha Mareykanka lagu taban taabiyo dowladda federaalka Soomaaliya
“Madaxdiinu waa kuwa dhidibada u taagay dowlad ku sheega Muqdisho oo fagaarayaasha uga faana in aysan marnaba shareecada Islaamka dalka ku dhaqeyn, iyagoo kuu dhaqanka diinta islaamka ka doorbidaya dawarsiga shisheeyaha” ayuu yiri.
Abuu Cubeyda ayaa sheegay in uu fariin u dirayo dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, isla markaana uu ku boorinayo in ay garab istaagaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka hor taaganyihiin duulaan lagu soo qaaday dalkooda.
“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay, waa kuwan wiilashiina naf iyo maalba u huraya difaaca diintiina, dalkiina iyo dadnimadiina, waa kuwan cadowga idiin duleysanayey dacarta leefsiiyey, xeradoodiina dabka qabadsiiyey, waa kuwaa diiday gumeystaha in ay adeecaan, waa kuwaa ku horgudban qorshaha gumeystaha inuu hirgalo, dimuquraadiyadana diiday in dalka lagu maamulo” ayuu yiri ninka hoggaamiya Al-Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri: “dhamaan qabaa’ilada Soomaaliyeed ee sharafta iyo gobanimada leh waxaan leeyahay, garab iyo gaashaanba u noqda wiilashiina, waa wiilashiinii, idinkey idinka dhasheen, idinkey idiin halgamayaan ee nala difaaca diinta.
Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa qeybaha dambe ee warbixintiisa lagu soo bandhigay sagootin la sheegay in uu ejeedinayo dagaalyahanadii fuliyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Mareykanku ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.
“Allaah tabaaraka watacaala wuxuu maanta idiin doortay inaad dhiigiina ugu nusreysaan diinta Allaah, goobta aad ku socotaan oo aad maanta u qalab qaadaneysaan oo aad u diyaarsan tihiin, oo Muslimiinta wixii taban taabo ah ay idiin awoodeen idiinku bixiyeen, goobtaas waa xerada ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya” ayuu ku yiri Abuu Cubeyda hadalkaas oo horay looga duubay, balse lagu soo bandhigay warbixintaan.
Wuxuu tilmaamay in xeradaas ay tahay meesha ay kasoo duullaan diyaaradaha drones-ka ee sida uu sheegay laayey dad maakiin ah oo aan waxba galabsan, sidoo kale waxa uu ku tilmaamay Ballidoogle oo ay ka soo foofaan maleeshiyaad xilliyada habeenkii ah argagax iyo gumaad ka geysta gobolka Shabeellada Hoose, isagoo sheegay in weerarkaas ay uga abaal marinayeen gabood faladdii horay u dhacay.
“Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, waxa aan beegsaneyno oo intaan oo dadaal ah loo sameeyey waa Mareykan, waxaana leydinka rabaa inaad howshaas iyada ah sugtaan oo aad Allaah u talo saarataan” ayuu ku yiri dar-daarankii uu u jeedinayey raggii weeraray Ballidoogle.

“IMMIGRANTS BUILT MINNESOTA’S ECONOMY AND CULTURE,THEY STILL DO.

Let’s recognize the vital role Minnesota’s new immigrants play in the economy and cultivate their skills to take on the high-demand careers of the future, writes Hamse Warfa, deputy commissioner at the Minnesota Department of Employment and Economic Development.
Hamse Warfa, deputy commissioner at the Minnesota Department of Employment and Economic Development, is the highest ranking African immigrant official in Minnesota state government. Photo courtesy of Hamse Warfa

ST. PAUL — I have a personal perspective on the many contributions of foreign-born Minnesotans. Like many of the more than 70,000 of my fellow Minnesotans, I was born in Somalia.
My parents were entrepreneurs and we lived a good life in Mogadishu until the civil war broke out when I was 10. The violence forced us to flee and we spent more than three years in refugee camps in Kenya before my family arrived in the United States.
Many Somali Minnesotans had to start over in their careers when they arrived here and they are working hard to make a good life in their new homeland. This hard work benefits our state in many ways.
As the deputy commissioner at the Minnesota Department of Employment and Economic Development leading our state’s workforce system, I see the numbers that clearly show immigrants’ contributions.
It is undeniable that without immigrants, many parts of Minnesota’s economy would suffer.
A key area of immigrants’ contribution to Minnesota’s robust economy is providing a young population demographic that is active in our labor force when the percentage of U.S.-born Minnesotans of working age is in an unprecedented decline.
Numbers show immigrant impact
From April 2010 to July 2018, 107,830 foreign-born people moved to Minnesota, according to data from the 2018 American Community Survey from the U.S. Census Bureau.
This was an increase of 28 percent in foreign-born residents during that time period – more than twice the national rate of increase of foreign-born residents during that same time frame.
This increase is good news for Minnesota. Without it, Minnesota’s historically tight labor market (Minnesota’s unemployment rate was 3.2 percent in September 2019) would be even tighter.
That’s because immigrants are far more likely to be of working age – and are slightly more likely to be in the labor force – than the general Minnesota population, also according to data from the 2018 American Community Survey.
More than 61 percent of Minnesota’s foreign-born population are in their prime working ages of 25 to 54, compared to just 36 percent of the general population; 72 percent of the foreign-born population aged 16 and over is actively working compared to just under 69 percent of the native born population.
Minnesota is also the state with the highest labor force participation rate in the country, according to the U.S. Bureau of Labor Statistics.
Between 2010 and 2018, 80,000 foreign-born people joined the workforce in Minnesota, again from data from the 2018 American Community Survey from the U.S. Census Bureau. That’s almost 60 percent of the state’s labor force growth between 2010 and 2018.
Without immigrants taking on the work they have, some industries would struggle to continue in Minnesota.
That’s because immigrants make up a large percentage of the labor force in many in-demand occupations in our state: nearly 40 percent of butchers and meat packers; more than 30 percent of software developers and computer application and system engineers; and more than 18 percent of personal care aides.
Recognize immigrants’ essential contributions
It’s important to raise awareness about the essential contributions of immigrants to our workforce.
It’s important to ensure that immigrants have opportunities to grow in their careers and develop the skills needed to succeed in the in-demand careers of today and tomorrow.
It’s important to recognize that without immigrants, Minnesota companies and our overall state economy would suffer.
At DEED we are working to reach people who may not be aware of our career exploration, career readiness and job search services available through DEED.
It’s better for everyone when we connect workers with needed skills. This includes skills training as well as English language skills.
It’s better for everyone when we help people prepare for occupations that are in-demand now – and slated to be in-demand into the future.
It’s better for everyone when we connect Minnesota workers with the Minnesota employers who need them.
At DEED, I am leading efforts to more effectively serve immigrants and underserved populations by improving our grant-making process.
In addition, we are dedicated to making our in-person and online services more accessible for people who speak a language other than English. We’re working with communities throughout Minnesota who are striving to become more welcoming to new arrivals.
All of these efforts are essential to foster a diverse, equitable and inclusive society that benefits all Minnesotans.

HAMSE WARFA COMMENTARY CONTRIBUTOR

Hamse Warfa, deputy commissioner at the Minnesota Department of Employment and Economic Development, is the highest-ranking African immigrant official in Minnesota state government. He can be reached at Hamse.Warfa@state.mn.us.

🇸🇴Cali Max’ed Gaaboow 🇸🇴 Madaxweynaheena ma yahay mid shacabkiisa la qeybsada Farxada & Murugtaba

🇸🇴Cali Max’ed Gaaboow 🇸🇴
Madaxweynaheena maahin mid shacabkiisa la qeybsada Farxada & Murugtaba,waxaa baladwyne ka dhacday musiibooyin is Xig-xiga Daadad wabiga oo kusoo fatahay magaalada oo ay dad badan ku geeriyoodeen!, Qaar kalena ku barakaceen,waxaa daadanka ku hanti beelay boqolaal qof halka boqolaalka kale ku bara kaceen inkasto aan si rasmi ah loo heyn inta qof ee ku dhimatay iyo qaar kaloo lagu la’yahay ay jiraan , taasoo ay jirto ayuu madaxweynaheena Afka laba Taako Qoslayaa si inuu ku faraxsan yahay ama uu gaaray guul ka mid aheyd guulashii uu ku xisaabtamayay #yaab #AllowSahalAmuuraha

“Waala Ceeboobay”

“Yaa ka danbeeyay ceebtaan”
Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa iska fogeeyey inay ka dambeyeen baabuur lagu dhejiyey sawirrada Farmaajo iyo Kheyre
oo dhiig shubaya, kuwaas oo maanta la dhigay isgoyska Zoobe, oo lagu qabtay xuska qaraxii 14-kii October oo labo sano ay kasoo wareegtay.
Arrintan ayaa dhalisay carro iyo dhalleeceyn xooggan, ayada shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay wax laga xummaado ku tilmaameen in maalin murugo badan loo adeegsado olole siyaasadeed.
Hadallada ugu badan ee dadka ku dhalleeceynayeen arrintan ayaa ahaa “Ma adinka kaligiin ayaa dhiig shubay, Soomaalida oo idil ayaa shubtay’e.”
Ka sokow adeegsiga sawiiradan, ayaa waxyaabaha kale ee laga xummaaday waxaa ka mid ah in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay labadaba sababo amni uga baaqdeen xuskii lagu qabtay isgoyska, oo uu ka qeyb-galay kaliya duqa Muqdisho Cumar Filish.
“Xafiiskeena wax shaqo ah kuma lahan, mana ahan arrin saxan” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo codsaday inaan la magacaabin. Sidoo kale qof ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa yiri “Xafiiskeena kama war hayo arrintan.”
Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa.
Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha.
#waalamurugay

“Ninkii Seexdaa Saciisa Dibi Dhalaa”

Allow anaa gacal galay In dhaga diish uu sidaan iila hadlo “kulahaa ma ogolaanaayi in dhul ay kenya leedahay ama bad ay sheegato soomaaliya” mar ayaanba is dhahay Uhuru kenyate maa afsoomaaliga la baray markaan si fiican u fiiriyayna waaba dhaga diishkii aan aqinay horta aniga waxba uma arko in soomaali dhexdeeda ay qalad ku saxaan qalad kale LKN Waxaa khalad weyn ah aadba jebisid awaamiirta dowlada adigoo soomaali ahee inaad amarka dowlada ku jebiso nin kenyaan ah sorry Caku ciil badanaa Dhega diishkaan inuu asagoi matalaaya wafdi kenyan ah uu maanta kismaayi lagu soo dhaweeyo.
maxay iga bi’i laheyd haduu tagi lahaa asagoo shaqsi ah oo aan mataleyn kenya si soomaalinimo ah.
tan kale dowlada waxay amartay in muqdisho lasoo maro ee iyadana waxay isku khaladay amarkerda iyo muqdisho to kismaayo awaamiirteeda kama mid maahin in muqdisho tan ka baxeyso loo diidi karo siyaasiyiinta waxaa wanaagsanaan laheyd inay si cad amar uga soo saarto nin siyaasi ah oo ka qeyb gali karo caleema saarka ma lahan markaas waa loo hogaansami lahaa

Markey Madaxdeennu Dhageysiga ka doorbidaan Qoraalka

Aalaaba way fududahay inaad wax bedesho. Balse way kasii fududahay marka aad hoggaamiye u tahay umad dhan. Ficillada qof kasta uu kusoo muuqdo, saameynta ay yeelanayaan waxaa go’aamiya heerka magac ama mansab oo qofku nolosha ka gaarsiisan yahay. Waxaa jiray waqti Burkina Faso laga xiran jiray dhar lagu sameeyey gudihiisa. Suuf lagu beeray kadibna lagu sanceeyey dalka ayaa min madaxweyne ilaa muwaadin ka wada sinnaa xirashadiisa. Taasi waxay abuurtay laba mid: in ganacsatadu sameeyaan maal-gelin xoog leh oo dalku uu iskaga filnaado qeyb ahaan dharka dunida kale looga soo waarido iyo in muwaadiniintu ka xoroobaan fikradda caqli gumeysi ee Faransiiskii xukumi jiray.

Haddi madaxweynaha uusan ilaa shirarka Midowga Afrika kaga soo qeyb-gali lahayn dhar lagu sanceeyey gudaha dalkiisa, shacbigiisu magarowsadeen qiimaha hantidooda.
Si lamid ah Soomaaliya, Burkina Faso waxaa soo maray waqti ay 80% waxna aqriyaan waxna qoraan. Maanta waxay nagula jiraan 10-ka ee ugu hooseeya heerka wax aqriska iyo faqriga.
Qiyaas marka mas’uuliyiin dowladeed ay dhammaan wada buugaag iyo qalin la’aan ku yihiin mid kamid ah kulamo diblomaasiyadeed oo ay ka qeyb-galayaan?!
Uma socdo inaan is-weydiiyo heerka aqooneed oo ay gaarsiisan yihiin ama maqaam sharafeedka ay ku taagan yihiin. Mana dhayalsano qiimaha sare oo ay muwaadiniin ahaan nagu dhex leeyihiin.
Hayeeshe, waxaa ila hadlaya waa sawirrada. Inaan si degan ugu kuurgalo ayaana igu filan inaan kala baxo farriinta uu sido.
“Wixii qoran baa quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay?!”
Hamoodin inaan gees kale u socdo….
Waxaan ogahay inaysan dhammaantood ka wada sinnayn hibada hal-jecleysi ee wax aqriska iyo dhigaalka. Way ii cadahay qaarkood inay qudwo lagu daydo u yihiin aqoonta ay ku gaaroobeen barashadeeda iyo waaya’aragnimadeeda. Inaysan mar walba muhiim u ahayn dhageysiga oo ay mararka qaar iga og yihiin waqtiga ay tahay in wax la qoro ama la dhageysto ayaan ogsoonahay. Waxaana qirayaa inay yihiin kuwa mudan inay qarankeenna ku metelaan tayadooda.
Balse mar walba oo aan deymada ugu roonaado sawirradani waxay ii sheegayaan halka aan kala taagan nahay annaga iyo dalka iyo dadka Uganda. Waxay, sida muwaadin kalaba, iiga quus-dhebaysaa hiigsiga ah helidda umad mar labaad iyo kama danbeystaba kusoo if baxda – aqristayaal iyo qorayaal. Umad dib usoo celin karta dhaqan-gelinta aayadihii ugu horreeyey ee Suubanaha NNKH loogu wax-yooday kuwaas oo adkaynayay muhiimadda qoraalka iyo aqriska.
Ray Bradbury : ayaa wuxuu leeyahay: uma baahnid inaad gubto buugaag badan si aad u dumiso dhaqan umadeed. Waxaa kugu filan inaad dadka ka joojiso inay wax aqriyaan.
Aragtida sawirradan madaxdeenna laga soo qaadayna waxay liifadda ugu yaraan – iguba colaadiye – u gaabinaysaa sida aan umadeenna uga guurin karno dhaqanka dhageysiga iyo hadalka ku siman: uguna diyaarin karno ilbaxnimada cusubee wax qorista iyo aqrinta.
Kama qoomameeyeen haddii kuwa martida loo yahay muuqaal walba oo lagala soo qaaday – sida kuweenna oo kale – u noqon lahaayeen buugaag iyo qalin la’aan. Mana niyoodeen maqaalkan haddii mid kamid ah mas’uuliyiinteenna uu sida Yugaandha oo kale qalin iyo buug ku dhageysan lahaa xogta jirta.
Waxase dabka igu shidaya waa in iyagii martida loo ahaana ay qorayaan macluumada loo keenayo – innagii martida ahaynna aan qaafil uga nahay ama usoo erganin buug iyo qalin.
Haddii sida Thomas Sankara aan tusaale nool u noqonno dhiirri-gelinta shacbigeenna, waxaan hubaa in bulshadeenna u badan indha-ku-garaadlayda ay tartiib-tartiib ula qabsan karaan aqriska iyo qoraalka.
Waxaa kun jeer ka cudurdaaranayaa haddii dhanbaalkan kooban loo fasirto sida qaldan – qof iyo garaadkiis. Ku-tala-galkaygu wuxuu ahaa inaan iftiimiyo haddii aan u baahannahay sida madaxda kale in kuweennu ay si ficil ah u meteli karaan weerta caan baxday ee tiraahda: ” Wixii qoran baa quruumo haree, muxuu hadal qiimo leeyahay?!”
F.G: Aragtidani liidata anigay ii gaar tahay. Mana ku metelayo qof iyo urur toona.
Qore:Cali Max’ed Gaaboow

http://saxafiyare2.wordpress.com

Cali M Gaaboow

Daawo “Yaa ka shaqeya Dagalada sokeye ee Africa ka dhaca iyo Cudurka AIDS ka ah”

Wuxuu sheegay 5000 kun oo Qof in Ay ku Duren Cudurka AIDS ka ,

wuxuu kalo uu shegay in Ay abuuran Dagalada sokeeye ee Africa ka dhaca ,

Wuxuu yiri Africanka waaa Xoolo aad ledahay oo aan Cid ku Racaneyn oo kale ,

Wax kasta Waan ku Baraweysana ayuu yiri ,

https://saxafiyare2.wordpress.com/

http://m.facebook.com/saxafiyare2/

http://twitter.com/calisuxufi/

http://calisuxufi.tumblr.com/

calisaxafi@outlook.com/

Cali Max’ed Gaaboow

Madaxii Amniyaadka kooxda Ugus “Ciise Tarabuun” ee Dowlada u xirnaa oo baxsaday

Laamaha amaanka Dowladda Kenya ayaa sheegay in Gudaha Dalkaas uu soo galay Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyaadkka Al-shabaab.
Sarkaalka oo lagu magacaabo C/Waxiid Khaliif Cabdi oo ku magac dheer Ciise Tarabuun ayey dowladda Kenya sheegtay in uu dalkeeda galay 24-kii bishan September.
Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya war ay galiyeen Barta Twitterka ayay ku sheegeen in Laamaha amaanka ay dadaal ugu jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ninkaas.
Horjooge C/waxiid Khaliif Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxa Amniyaadka ee AL-shabaab ayey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sheegtay in sanadkii 2017-kii lagu qabtay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho islamarkaana ku jiro Hay’adaha amaanka.
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa isla maalinkaas sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay qabteen Madaxii Amniyaadka Shabaab,islamarkaana sharciga la horkeeni doono.
Dhowr jeer oo hore xubno Maleeshiyaadka Al-shabaab ka tirsanaa oo gacanta lagu soo dhigay ayaa baxsaday, kadib markii ay xabsiyadda ugu daba tageen xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku qabiil ah.

Qaraxyo Lala Beegsaday Cidamada Amisom

Qaraxyo lala beegsaday ciidamada AMISOM

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.
Qaraxyadan ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe sida B.B.C da ay u sheegeen dad degaanka ku sugan.
Qaraxyada ayaa lala eegtay askarta AMISOM kuwaas oo ku sugnaa meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Buurane .
Sida wararku ay sheegayaan qaraxa koowaad ayaa geystey qasaare kooban halka markii ciidamo kale oo u soo gurmaday askartii wax ku noqotay qaraxa koowaad ay la kulmeen qarax labaad.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex askari ay waxyeello kasoo gaadhay qaraxa labaad, hase yeeshee Af-hayeeenka AMISOM oo ay la xiriirtay B.B.C waxa uu sheegay inay kaga dhaawacmeen laba askari.
Dhinaca kalena, dadka degaanka ayaa sheegay in rasaas ay fureen ciidamada AMISOM uu ku dhintay qof rayid ah.

War-Murtiyeedka Shirka Hobyo HG

SHIRKA HOBYO HG

Shirka Nabadda Hobyo waxey qabanqaabadiisu ka soo bilaabatay magaalada Muqdisho muddo sanad ah ka hor, waxaa saldhig u ahaa kulamo taxane ah oo lala yeeshay wasiirada xukuumadda federaalka, xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ah, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo ganacsatada beesha Habargidir, ayagoo sidoo kale guddiga qabanqaabadu socdaal wadatashi ku soo kala bixiyey deegaamada beeshu degto ee Galmudug sida Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Hobyo halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda dawlad-goboleedka Galmudug u sarraysa, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Wadatashigaas mudada sanadka ah socday ka dib waxaa waxgaradka kala duwan ee beesha Habargidir isku waafaqeen baahida loo qabo qabashada shirweyne beeshu ay yeelato oo bilow u noqda soo afjaridda colaadihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dhexmaray beelaha Soomaaliyeed iyo dhab u heshiisiin ka timaada ayaga dhexdooda, waxaana loo asteeyey in shirkaas uu ka dhaco magaalada qadiimiga ee Hobyo taariikh 15 July 2019.
UJEEDADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. In Beelaha Habragidir ay turxaan-bixiyaan, kana heshiiyaan tabashooyinka dhexdooda ka jira isna cafiyaan.
2. In ay dhistaan Gole Hogaamineed oo taladoodu ay ku midaysan tahay.
3. In kaalinta ugu haboon ay beeshu ka qaadato nabadaytna, dhab ula heshiinta beelaha Soomaaliyeed ee kale iyo ka qeybgqaadashada dib u xaqiijinta qarannimada Soomaaliyeed oo beeshani ay weligood kaalin hormuudnimo ka qaadan jirtay.
MARXALADAHA SHIRKA NABADDA HOBYO UU SOO MARAY
Shirka Hobyo mudadii 50-ka maalmood ahayd ee uu socday waxaa si isdaba joog ah u imaanayey ergooyin iyo wufuud dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka kala socdey kuwaasoo tiradoodu ay kor u dhaaftey 2000 oo qof.
Marxaladaha shirka Nabadda Hobyo uu soo marey waxaa ka mid ahaa; furitaankii shirka iyo diyaarinta ergooyinka rasmiga ah ee ka qeybgaleyey shirka. Iscafinta iyo adkaynta midnimada beelaha Habargidir, iyo diyaarinta iyo ansixinta xeerka golaha Hoggaaminta Habargidir iyo dhismaha golahaas oo tiradiisu gaarayso 68 xubnood. 04 September 2019, Golaha Hoggaaminta wuxuu dhexdiisa ka doortay Guddoomiyaha Golaha oo loo doortay Md Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Md Cabdullaahi Cabdille Wehliye .
GO’AANNADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG
2. Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka
B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo.
T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo.
J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay.
1. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya.
1. Dekedda HOBYO
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.
Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.
BOGAADIN
Shirweynuhu wuxuu bogaadin aan qiimaheeda la soo koobi karin u soo jeedinayaa dhammaan intii iska xilsaartay dhismaha waddada Hobyo – Gaalkacyo gaar ahaan aasaasayaashii mashruucaan curiyey. Shirku wuxuu aqoonsanayaa waaya-aragnimada, qalabka ay gacanta ku hayaan iyo daacadnimada ay muujiyeen awgeed in Guddiga GOB ay noqdaan “Hey’adda Horumarinta iyo Dhismaha Waddooyinka Galmudug”.
Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka u dhashay beesha Habargidir iyo samafalayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan dhammaystirka dhismaha wadadaas iyo waddooyinka kale ee ay gacanta ku hayso hey’adda maxalliga ah ee GOB. Sidaas oo kale, Dowladda FS iyo dowlad-goboleedka Galmudug waxaan ugu baaqaynaa in gacan ka gaystaan dhammaystirka wadadaas.
MAHADNAQ
Guddiga farsamada iyo dhammaan ka-soo-qeybgaleyaasha Shirka Nabadda Hobyo waxay mahadnaq ballaaran u soo jeedinayaan:
B. Shacabka reer Hobyo oo kaalinta kowaad ka qaatay habsami u-socodsiinta iyo martigelinta Shirka Nabadda Hobyo.
T. Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo nagu dhiirrigeliyay in shirkaan qabsoomo, nooguna soo duceeyay in uu guuleysto.
J. Waxaan u mahadnaqaynaa guud ahaan ergada iyo martida Shirka Nabadda Hobyo oo dulqaad badan u muujiyay duruufaha ay muteen muddadii shirkaani socday.
X. Sida oo kale, waxaan Beesha Caalamka uga mahadnaqaynaa niyad wanaagga ay u muujiyeen Shirweynaha Hobyo ee billaabay in beeluhu dhexdooda ka soo heshiiyaan iyaga oo dhan kasta isku tashanaya, taasina waxay tahay waddada saxda ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ku gaari karaan nabad waarta.
KH. Beelweynta Habargidir ee shirka Nabadda Hobyo isugu timid waxey si aan kala har laheyn ugu mahadcelinayaan Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo wafdigiisa ka soo socdaalay deegaanno ku yaalla Somaliland si ay uga qeybgalaan Shirka Nabadda Hobyo.
GUNAANAD
Gebagebadii, Shirweynaha Nabadda ee Hobyo wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo dhab-u-heshiisiinta bulshada iyo is-cafin ku timaada rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed iyada oo loo midoobayo cadowga muuqda iyo midka dahsoon ee aan oggoleyn in Ummadda Soomaaliyeed hore u socoto kuna naallooto Qarannimo waarta. Qarannimo ayaa na deeqda waana midda kaliya ee aan ku gaari karno dhammaan himilooyinkeenna ku aaddan nabadeynta iyo dimoqraaddiyadeynta Dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed.

Cali Max’ed Gaaboow

https://saxafiyare2.wordpress.com

http://m.facebook.com/calisuxufi

“Waa kuma sixiroolaha MW Farmaajo & Marwadiisa? (Dhageyso)”

Waa kuma sixiroolaha MW Farmaajo & Marwadiisa? (Dhageyso)

Xigasho: Muqdisho Online

Nin dhalashadiisa tahay dalka Chad oo lagu magacaabo Yousuf Aboulaye Adam aya la sheegay in uu yahay shaqsiga u sameeya sixirka Arbacadla ah ee ay isticmaalaan MW Farmaajo iyo Afadiisa Saynab Cabdi Macallin sida aad ka maqli doontaan codadka sirta ah ee laga helay ninkan.
Sida la sheegay waxaa MW Farmaajo iyo Yousuf Aboulaye ay isku arkeen magaalada Abu Dhabi waxaana u keenay dalaalka Yousuf. Yousuf Aboulaye aya sidoo kale u ah sixiroole Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashir iyo madax badan oo ka tirsan qaaradda Afrika.
Waxaa arrintan wakiil uga ah Madaxtooyada nin la dhashay Marwada Madaxweynaha kaasoo loogu dhiibo lacagta uu qaato.
MOL oo heshay sawirka Yousuf iyo nuqulka baasaboorkiisa aya waxaa uu lacag joogta ah ka qaataa Madaxtooyada waana shaqsiga ka danbeeyo in la qalo neefaf xoola ah oo inta badan lagu arko magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale neefaf la gowracay la soo dhigi jiray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, waana astaanta lagu garto sixirka Yousuf.

Dhageyso codadka laga helay xogtan.

Darjire: Abuukar Baale oo sharaxay qaraarka 1267

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) oo 17-kii Bishan dadweyne Soomaaliyeed kula hadlayay dalka Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay doodda Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha ka dambeeya qaraarka 1267.
Qaraarkan oo Kenya ay dooneyso in lagu daro Al-Shabaab ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya, oo rumeysan in laga leeyahay ujeeddo aan Shabaab ahayn.
Danjiraha ayaa is-weydiiyay sababta ciidanka Kenya ay u daawanayaan dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo ee ay Al-Shabaab ay lacagta uga badan kasoo gasho, haddiiba ay doonayaan oo ay daacad ka tahay in la cunaqabateeyo Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heyso sawirro caddeynaya dhuxul laga dhoofinayo koofurta Soomaaliya, ciidanka Kenyana korjoogaan oo ay daawanayaan, islamarkaana ay Al-Shbaaab dhaqaale ka helayaan.
Danjiraha ayaa sheegay doodda Kenya aysan ahayn Al-Shabaab balse ay tahay in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah haddii Al-Shabaab lagu daro qaraarka 1267, ay qatar ku tahay dadka ku nool degaannada ay ka taliyaan Al-Shabaab oo aan gargaar la gaarsiin doonin haseyeeshee hadda la gaarsiiyo.
Waxa uu sheegay in taas ay la qabaan dhammaan hay’adaha caalamiga ah oo warqad ay kaga soo horjeedaan qaraarkan u diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.
Ka sokow arrimaha gargaarka, qaraarkan ayaa Kenya ay uga faa’iideysan kartaa inay ku beegsato hantida ganacsatada Soomaaliyeed, kulana wareegto, iyo xawaaladaha oo aan awoodi doonin inay lacag gaarsiiyaan shacabka ku nool goobaha ay haystaan Shabaab.
Inkasta oo qaraarkan u muuqda mid Shabaab ka dhan ah, haddana xaqiiqda ayaa ah inuusan shaqo ku lahayn Shabaab, balse uu yahay mid lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana caddeynta ugu weyn ay tahay sababta Kenya ay ololahan hadda u billowday, ayada oo markii ugu horreysay uu golaha ammaanka ansixiyey 15-kii October 1999-kii.