Darjire: Abuukar Baale oo sharaxay qaraarka 1267

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) oo 17-kii Bishan dadweyne Soomaaliyeed kula hadlayay dalka Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay doodda Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha ka dambeeya qaraarka 1267.
Qaraarkan oo Kenya ay dooneyso in lagu daro Al-Shabaab ayaa waxaa si aad ah uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya, oo rumeysan in laga leeyahay ujeeddo aan Shabaab ahayn.
Danjiraha ayaa is-weydiiyay sababta ciidanka Kenya ay u daawanayaan dhuxusha laga dhoofiyo Kismaayo ee ay Al-Shabaab ay lacagta uga badan kasoo gasho, haddiiba ay doonayaan oo ay daacad ka tahay in la cunaqabateeyo Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay heyso sawirro caddeynaya dhuxul laga dhoofinayo koofurta Soomaaliya, ciidanka Kenyana korjoogaan oo ay daawanayaan, islamarkaana ay Al-Shbaaab dhaqaale ka helayaan.
Danjiraha ayaa sheegay doodda Kenya aysan ahayn Al-Shabaab balse ay tahay in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah haddii Al-Shabaab lagu daro qaraarka 1267, ay qatar ku tahay dadka ku nool degaannada ay ka taliyaan Al-Shabaab oo aan gargaar la gaarsiin doonin haseyeeshee hadda la gaarsiiyo.
Waxa uu sheegay in taas ay la qabaan dhammaan hay’adaha caalamiga ah oo warqad ay kaga soo horjeedaan qaraarkan u diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.
Ka sokow arrimaha gargaarka, qaraarkan ayaa Kenya ay uga faa’iideysan kartaa inay ku beegsato hantida ganacsatada Soomaaliyeed, kulana wareegto, iyo xawaaladaha oo aan awoodi doonin inay lacag gaarsiiyaan shacabka ku nool goobaha ay haystaan Shabaab.
Inkasta oo qaraarkan u muuqda mid Shabaab ka dhan ah, haddana xaqiiqda ayaa ah inuusan shaqo ku lahayn Shabaab, balse uu yahay mid lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana caddeynta ugu weyn ay tahay sababta Kenya ay ololahan hadda u billowday, ayada oo markii ugu horreysay uu golaha ammaanka ansixiyey 15-kii October 1999-kii.

Leave a comment