Tag: http://m.facebook.com/calisuxufi
Daawo “Karbaash kale ee waayaha cusub heestii Dhoohane Farmaajo”
Daawo “#NabariyoNaxdin #NabadiyoNolol=Kalamaan Q:60 aad Farmaajo”
Daawo “Karbaashka Farmaajo hees cusub” “Qeys”
Daawo “Mowjad Kufuran Fiinaalkii Lagaar 12/06/2020”
#calisuxufi “Waa kuma 2 Wajiile Faarax Macalim Dawaar”
Madaxweyne Farmaajo Nadiif maka yahay Tuuganimo, Musuq maasuq iyo Shisheeye kalkaalnimo?
Madaxweyne Farmaajo Nadiif maka yahay Tuuganimo, Musuq maasuq iyo Shisheeye kalkaalnimo?
Gar aad naqaysid oo kugu noqonaysa ayaa jirta’e Farmaajo wuxuu yiraahdaa tuug iyo musuq maasuq shisheeye raac iyo qabyaaladeyste layma tusi karo ee isagu arrimahaas maka fayoowyahay?.
[Dhageyso Wareysi].
Sawiro : Magaalada Muqdisho oo Lagu Buufiyay Sun Looga Hortagaayo “CORONAVIRUS” #COVID19
Sawiro: Magaalada Muqdisho oo lagu buufiyey sun looga hortagayo CORONAVIRUS
By- Cali Max’ed Gaaboow – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay waddooyinka iyo suuqyada qaar ee magaalada Muqdisho ku buufiyey sunta looga hortago faafista cudurka halista badan ee Coronavirus, iyadoona uu ololahaan daah-furay Cumar Filish.
Maamulka gobolka ayaa arrintaan u adeegsaday booyado gaar ah oo sunta laga soo buuxiyey, si looga hortago Feyruska sababa xannuunka Corona.
Guddoomiye Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la gaarsiin doono dhammaan xaafadaha kale ee caasimadda iyo goobaha kale ee muhiimka ee dadka isugu tagaan.
Filisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19.
Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan xakameynta cudurkaan, una hoggaansaman awaamiirta dowladda.
Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey Coronavirus, iyadoo laga diiwaan-geliyey illaa 237 kiis, waana tirada ugu badan ee guud ahaan Soomaaliya.
Daawo “Harun Macruf Wariye V.O.A (Diod Kulul)”
🇸🇴 Ali Harare oo mar kale beeniyey in covic19 Somalia laga helay +CADDEYMO 🇸🇴 Cali Max’ed Gaaboow 🇸🇴
🇸🇴 Ali Harare oo mar kale beeniyey in covic19 Somalia laga helay +CADDEYMO 🇸🇴 Cali Max’ed Gaaboow 🇸🇴 @calisuxufi #calisuxufi #gobolkabanaadir #saxafiyare
“Cudurka Corona Virus, Maxaa kaala Gudboon?
Cudurka Corona Virus, maxaa kaala gudboon ?
Dr Cali Mansuur, waxa uu si aqoon iyo akhlaaqi ku jirto u burrinayaa aragtida iyo fahanka liita ee ay ku micneeyeen qaar ka mida Culumada Muslimiintu Jeermiska gudba ee loo yaqaan; Coronavirus (COVID-19). Sida in lagu tilmaamo cudarkaan in uu yahay askari ka mida askarta Alle u soo diray gaalada. Ku digashada iyo in Alle loo nisbeeyo waxyaabaha qaar. Waa gaf weyn oo Alle iyo diintaba laga galayo. Shiikh Umal iyo kuwa ku caqliga ah, si fiican ha u yara dhageystaan cashirkaan wacan!! !!ألعلم ضدّ الجهل
Waa kuwan ciidanka Haramcad ee ay dawladu sheegtay in ay ciidan qaran yihiin. Waxaa la mid ah kuwii habeenkii 17 December 2017 soo weeraray xarunta Xisbiga Wadajir, Hada ma waxaan dhahnaa waa ciidan qaran ?
Hargeysa: Khudbada Sanadlaha ah Muuse Biixi
BBC Somali Yuusuf Garaad Wareysi : AUN Cabdullaahi Yuusuf
Waxgaradka Somaliland Warkooda waa dhanyahay “Afkaada Caano lagu qabay”
Waxgaradka Somaliland Warkooda waa dhanyahay “Afkaada Caano lagu qabay”
Daawo “Saadaashii 17-February 2018 dii uu ku riyooday Wariye Abdilmalik Musa Coldoon oo maanta ay taariikhdu tahay 17-ka February 2020-ka laga wada hadal hayo”
Saadaashii 17-February 2018 dii uu ku riyooday Wariye Abdilmalik Musa Coldoon oo maanta ay taariikhdu tahay 17-ka February 2020-ka laga wada hadal hayo Hargeisa iyo Muqdisho.
Alla muxuu cir bixiye weyn yahay Wariyahan oo Riyadiisii isaga oo ku xiran guri guri ku hoosjira iyo Ganjeel biroo adag ayaa Guudkiisa sare ee HARGEISA maanta dadku kaga wada doodaya!!!!
Wareysi : Farmaajo “Universal TV”
Daawo “Oday Abdulle oo dacwa ka ah wasiirka Warfaafinta Maareeye”
Oday Abdulle oo dacwa ka ah wasiirka Warfaafinta Maareeye oo isbaaro u dhigtay sheegayna in oo isbaareystay, yaa is baareystay oday Abduule? Halkaan ka Daawo sida ee wax u dhaceyn.
MW Xasan Sh VS MW Farmaajo
Isbar-bar dhig Raali gelinta ay labada madaxweyne ka bixiyeen Xasuuqii ay dowladii Militeriga uu hogaanka u hayay Gen Maxamed Siyaad u Geysatay shacabka waqooyi
MW Xasan Sh VS MW Farmaajo
Daawo “Aragiisa Ceebaa Ku Xigi doonta 31-01-2020”
Kaamerooyinka ku Xirnaa Muqdisho oo Qaraxyo Lagu Weeraray Saakay
Kaamerooyinka ku Xirnaa Muqdisho oo Qaraxyo Lagu Weeraray Saakay
Jugta qaraxyo ayaa arroortii hore ee saaka waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lagu xiray qaar kamid Kaamirooyinkii CCTV ee bilo kahor lagu xiray Waddooyin qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Dad u soo baxay salaadii subax ee saaka ayaa sheegay inay maqlayeen Jugta ilaa iyo 5 qarax oo is xig-xigay, kuwaasi oo lagu burburiyay Baalayaasha xambaarsan Kaamirooyinkii qaar ee dowladda ku xirtay Wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan kuwa ku yaallay Nawaaxiga Isgoyska dabka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada ay burburiyeen dhowr Kaamiro oo ku xirnaa Wadada Al-Mukarama ee Muqdisho, in kastoo aan tirro rasmi ah laga heyn inta la burburiyay.
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa dhowr bilood kahor wadooyinka qaar ee ku yaalla Muqdisho gaar ahaan kuwa muhiimka ah ku xirtay Kaamirooyinka CCTV, kuwaasi oo loogu talagalay in loo adeegsado dhanka amniga Caasimdda.
Dhageyso”#VOA Maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo lakala diray January 25, 2020″
Maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir oo lakala diray
January 25, 2020
Dowladda Somalia ayaa maanta kala dirtay maamulka Rugta Ganacsiga ee gobolka Benaadir, kaddib markii idaacadda VOA ay dhowaan tabisay in kooxda al-Shabaab ay ku lug lahayd magacaabista guddomiyaha Rugtaasi Axmed Cabdullahi Xassan, oo haatan sida la sheegay u xiran ciidamada nabad-sugida Somalia.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xassan ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay in kadib markii ay wasaaraddiisu ogaatay cabashooyinka la xiriira magacaabista guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Banaadir la go’aamiyey in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 01/25/2020 lakala diray maamulkaasi.
Weriyaheena Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan ka diyaarisay magacaabista guddoomiyaha iyo sida al-Shabaab ay ugu lug lahayd.
“Watch live: House votes on articles of impeachment against President Trump”
Qiil danbe uma harin iyo qarankoo lagu qaraabtaaye
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Putland oo La Magacaabay
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo La MagacaabayGuddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abukaate C/casiis ayaa magacaabay guddiga doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.
Guddigan ayaa ka kooban 7 Xubnood, waxaana ay diyaarin doonaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi.
Abukaate C/casiis ayaa kulankii maanta xilka looga qaaday Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ka sheegay in doorashada ay dhici doonto 14-ka bishan, wallow go’aanka kama dambeysta ah shaacin doonaan guddigan la magacaabay.
Halkaan hoose ka akhriso:
Dowlada Soomaaliya oo xil u magacowday wiilka uu dhalay AUN Injineer Yariisoow
(Saxafiyare2)
Dowladda Soomaaliya ayaa xil u magacowday Maxamed Cabdiraxman Cumar Cismaan, oo ah wiil uu dhalay allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Warqad kasoo baxday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maxamed loogu magacaabay inuu noqdo xoghayaha koowaad ee ergada Soomaaliya ee New York.
Warqaddan oo ku taariikheysan 30-ka October 2019, ayaa Caasimada Online u suurta-gashay inay hesho maanta, waxaana sax ahaanshaheeda ay ka xaqiijisay saddex mas’uul oo ka tirsan dowladda, oo aad la isugu haleyn karo.
Hoos ka aqriso warqadda
As a People we Soomaali People we benefited nothing than torture,killing,displacing,rap ping,famine and drought
As a People we Soomaali People we benefited nothing than torture,killing,displacing,rap
ping,famine and drought from former Liberalist,communist,socialist and empiricist Systems or we can say from so called modern Ethiopia.
This was what used to happened and still happening in soomaali region.
Wether EPRDF coalition continues as its or the new part is made what we want to let you know is we as soomaali people we want participate and get our sharing accordingly our population sizes and we never ever allow and accept EPRDF/EPP to includes parts who ruling small populations than us to sit with them and decided for us thats never happen again.
This video was 1984 in soomaali region drought and famine caused by military of derg regime what make worries was denying any international organization aid to this victims.
Daawo “Filimkii Cusbaa ee la magac baxay Uunsi Ma ii Shididoo oo aan idiin soo gudbineyno hordhaciisa”
Filimkii Cusbaa ee la magac baxay Uunsi Ma ii Shididoo oo aan idiin soo gudbineyno hordhaciisa bal Daawo adaa yaabi doonee kkkk hhh ههههههههههههههههههههه
Uunsi ma ii shididoo
Waxaa Gowr Lagu sok bandhigi doonaa Shineemo Banaadir iyo Shineemo shentaraale Tikidka waa Qiimo Jaban yuusan kaa dhamaan kasoo gaar
Daawo “Filimkii ‘Qab & iil’
Filimka “Qab & iil” waxaa qeyb ka ah AUN Axmed Xasan Cowke & Hareeri waa filim xambaarsan qiso dhab ah sida ay soomaalidu ay ugu dhaqmaan qabiilka iyo colaadaha qabiilka ah ka bogo waa clip yar oo aan dhameyn.
Daawo “Wafdi Kismaayo u tagay caleemasaarka Axmed Madoobe”
Wafuud ku sugan kismaayo oo ay ka mid yihiin Madax xilal hore soo qabtay iyo xildhibaano oo ay ka mid yihiin Shariif Xasan & Guuleed,
Xili ay dowlada Federaalka ah xanibtay in duulimaad toos ah lagu tago kismaayo, shirkadaha diyaaradahana ku amartay in muqdisho lasoo marsiiyo duulimaadyada (Rakaabka) ku socdo kismaayo.
Daawo “Wafuud ku sugan kismaayo oo ay ka mid yihiin Madax xilal hore soo qabtay iyo xildhibaano”
“Wareysi : Cabdiraxmaan CabdiShakuur”
Wareysi Xasaasi ah oo uu bixiyay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahna Gudoomiyaha Xisbiga “Wadajir”
“Dowlada Federaalka ayaa ka hadashay Arinta Ciise Tarabuun”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warka Kenya kasoo baxay ee ku aadan in dalkeeda uu soo galay Madaxii Amniyaadka Maleeshiyaadka Al-shabaab, Ciise Tarabuun.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciise Tarabuun uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo dhammeystay xabsi lagu xukumay.
Wasiir ku xigeenka Warfaanta ayaa qoraalka xukuumadda ku sheegay in eedeyntii argagixisenimo ee Ciise Tarabuun ay dacwadiisa qaaday Maxkamadda ciidamada qalaka sida, kadibna lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah oo uu dhammeystay, haddana uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo maray xukun ciqaabeed ay Maxkamad milateri ku xukuntay.
“Cabdiwaaxid, ayaa markii uu dhammeystay xabsigii ay maxkamadda military-gu ku xukuntay la sii daayay sida sharcigu qabo. Waxaana sii dayntiisa in muddo ah kadib lala socday dhaq dhaqaaqiisa iyo xaaladaha.” ayuu yiri Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Aden Isaaq.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si cad u muujinaysaa in Cabdiwaaxid uu yahay muwaadin maray xukum ciqaabeed xabsi laba sano ah.
“Mareykanka oo Xayraad kusoo rogay shaqsiyaad soomaali ah”
Washington (Gaaboow Media) – Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay dhowr qof oo Soomaali-Kenyan ah iyo qaar kale oo Soomaali ah, sababo la xiriira inay taageeraan kooxaha argagixisada.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegi doonto hantida dadkan, islamarkaana ka manuucday dadka Mareykanka inay wax xiriir maaliyadeed ah la sameeyaan shaqsiyaadkan.
Liiska dadka la xayiray ayaa waxaa ku jira Sheekha caanka ah ee Sheekh Xasan Xuseen Aadam. Waxaa sidoo kale ka mid ah Sheekh Xasan Cumar, Xasan Mahad (Cumar) iyo Xasan Mahad. Dadkan ayaa dhammaantood ah Soomaali-Kenyan.
Waxaa sidoo kale liiska ku jiray Cabdifatax Abubakar Cabdi oo loo yaqaan (Muhaajir Musa) oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo degan magaalada Mombasa.
Dhammaan hantida dadkan ay ku leeyihiin Mareykanka, haddiiba ay jirto, ayaa la xanibay.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale liiska madow ku dartay hay’adda Al-Xaramayn ee fadhigeedu yahay magaalada Gaarisa.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bishii April xayiraad saartay Xaliima Aadan Cali oo ah Soomaali-Kenyan kadib markii lagu eedeeyey inay 150,000 oo dollar ay u dirtay dagaal-yahannada Daacish ee ka dagaalama Libya, Syria iyo Bartamaha Afrika, ayada oo marineysa xawaaladaha.
Xog: Halis amni oo Muqdisho kusoo wajahan!!
Muqdisho (Gaaboow Media) – Khuburada amniga iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Soonaaliya ayaa muujiyay walaac sii xoogeysanaya oo ay ka qabaan weeraro ay Al-Shabaab ku soo qaadaan magaalada Muqdisho, iyagoo adeegsanaya gaadiidka dowladda.
Khuburadaan dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in ay heleen xogo ku saabsan in Al-Shabaab ay doonayaan in ay weeraro u adeegsadaan gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen ciidan ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa gaadiid dagaal oo gaaraya 8 gaari, kuwaas oo ka tirsan gaadiidkii ugu dambeeyay ee ciidanka Soomaaliya ku qabsaday weerar ay ka fuliyeen degaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose.
Gaadiidka ay qabsadeen Al-Shabaab oo aysan ka xirneen Muqdisho, ayaa si fudud waxay u soo geli karaan Muqdisho, hadii aysan dowladda ka feejignaanin qatarta ka imaan karta gaadiidkaasi.
Guud ahaan magaalada Muqdisho waxaa ka jira hadal heyn xoog leh oo ku aadan halis ka imaan karta gaadiidkii ay Al-Shabaab ku qabsadeen degaanka Ceel-saliini oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.
Dowladda ayaa hadda wadda qorshe lagu aqoonsanayo baabuurtaas, laguna xaqiijinaya inaysan soo gelin Mqudisho, balse ma cadda sida taas loogu guuleysan doono.
Video: SHEEKH SHARIIF oo weerar culus ku qaaday FARMAAJO iyo R/W Khayre
Muqdisho (Saxafiyare2)
– Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay is hortaagii shalay lagu sameeyey, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay baal marayaan shuruucda dalka, halkii laga rabay inay ilaaliyaan dastuurka u yaalla dalka.
“Inta jeer ee madaxda dowladdu garab mareen sharciga u yaal dalka xisaab maleh.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay u siman yihiin sharciga, islamarkaana haddii uu ka duuli karo garoonka uu isna ka dhoofi karo, taasna ay xaq u siineyso muwaadinimadiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale uu intaas ku daray in dowladdii KMG aheyd, islamarkaana uu Madaxweynaha ka ahaa ay dadaal badan ku bixsay Garoonka Aadan Cadde, kuna guuleysatay dhowr sano kadib in ugu yaraan diyaaraduhu ay ka soo dagaan.
“Garoonka ay intaas iga soo gashay, haddii la ii ogolaan waayey, yaa loo ogolaanayaa?.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in hay’adaha dowladda aysan madax banaaneyn, sida Baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan laheyn awoodii looga baahnaa.
Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay dowladda amniga, dhaqaalaha iyo dastuurka oo uu sheegay in dhamman ay ka gaabisay, taasi bedalkeedna uu xusay in ay xooga saartay dagaalka ay kula jirto siyaasiyiinta mucaaradka.
Shariif ayaa sidoo kale su’aal galiyey, sida mustaqbalka Farmaajo iyo Khayre loogu aamini karo dalka, gaar ahaan doorashada 2020-ka, maadaama buu yiri ay iyagu hareer marayaan shuruucda dalka.
Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoo sheegay inuusan jirin maamul madax banaan oo xiriir la leh dowladda dhexe.
“Jubbaland isma hayaan, Puntland isma hayaan, Galmudug waxa ka socda waan ognahay, HirShabelle waxa ka socda waan ognahay, Baay iyo Bakool waxa ka dhacay waan ognahay.” ayuu markale yiri, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka.
Xiisada dowladda iyo Sheekh Shariif ayaa ka dhalatay, kadib markii shalay loo diiday inuu u duulo Kismaayo oo uu doonayey in uu kaga qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe.
https://saxafiyare2.wordpress.com/
fb.me/calisuxufi
Cali Max’ed Gaaboow
“Qar-iska tuurka Kenya oo uu kasoo socdo Kacdoon”
Maqaal:
Muddo dheer oo uu jiray loollan baddeed oo gaadhay maxkamadda aduunka iyo weliba golayaasha fadhiyada waddamada caalamka intooda badan, waxaa hadda aad mooddaa In hawshii oo dhammi soo idlaatay, iyadoo ay go’aan qaadashada maxakamaddu ka hadhsantahay muddo kooban.
Filashada natiijada iyo weliba sida ay wax u socdaan ayaa u eeg In maxkamaddu ay go’aamin doonto kiiskan iyada oo dib uugu celinaysa lahaanshiyaha badda soomaaliya oo muran laga geliyay.
Kenya waxaa fajac ku ah hankii sheegashada badda oo si yar faraheeda uuga baxay, waxaa kaga burburaya hishiisyo badan oo ahaa shidaal baadhis kuwaas oo ay hore uula saxiixatay shirkado caalami ah, waxaa guud ahaan waxba-kama-jiraan noqday qorshayaal mashaariiceed ee ay kenya baddaas kaga xisaabtamaysay.
Dhanka kale waxaa daciifaya xidhiidhkii kenya iyo waddamo badan, waxa kale oo adkaanaysa si caadi ah kiisaskii kenya ay hor-gayn lahayd maxkammadda adduunka mar uun haddii wax ku soo kordhaan kenya, sababtoo ah Kenya waxaa si cad u qabanaya ku xad-gudbidda dhul aysan lahyn iyo weliba kenya oo fel-celinteedu noqon doonto mid qallafsan. Waana tan adkayndoonto xidhiidhka Maxkamadda adduunka iyo kenya.
Waxaa iyana meesha soo gelaya in kenya ay ka bur-buraan heshiisyadii shidaalka iyo weliba maal-gashiyo ay hawlaheedu ka socdaan gudaha kenya hadda, dhammaan howlahan maal-gashi ee ka socda gudaha kenya waxa ay noqonayaan kuwo dusha ka saaran kenya.
Fashilka iyo jabka ka soo gaadha kiiskan kenya, waxa gudaha waddanka ka dhalan-doona kacdoon siyaasaddeed oo culus, kaas oo ay macquul tahay ugu yaraan in uu Meesha ka saaro xukuumaddan hadda talada haysa, waayo dadka waddanka Kenya oo muddoba dhegtu taagnayd oo dawladdan uba arka in dhulkii ay sheeganaysay qayb-qayb loo kala qaatay, waxa ay dadkaasi ku jawaabi-doonnaan kacdoonno siyaasaddeed oo waddankaasi uu galo. Tanna waxaa tusaale u ah howlaha socda iyo sida ay shacabka dhegtu uugu taagantahay.
Habkan layaabka iyo amakaaga ku ah maxkamadda adduunka ee ay samaynayso kenya, waa halka waddo ee ay doonayso kenya in ay shacabkeeda ku degto maskaxdooda iyada oo muujinaysa in aysan marnaba raalli ka ahayn kiiska badda, waayo kenya waxay u jeeddaa jawaabta kaga imanaysa shacabkeeda, mana jirto naxariis u dhexaysa shacabka iyo dawladda kenya.
Shacabka kenya oo ogsoon in dawladdoodu horre been uugu sheegtay iyo weliba sida dawladdan intii ay jirtay dhulkii kenya ee Waddamada kale ay muran u galeen. Dhulkaas oo ay ka midyihiin kan ay ku maransanyihiin “ kenya iyo Uganda iyo Kenya iyo Tanzania” marnaba shacabku ma yeeli-doonnaan natiijada la filaayo ee ah in dhulkaas loo xukminaayo Soomaliyadii hore u lahayd.
Dhinaca kale kenya Waxay ku dhacaysaa ceeb-siyaasaddeed taas oo ah khibradda aan lahayn ka fiirsashada iyo beenta ku dheehan ee ka halleelay kiiska badda soomaaliya, waana tallaabada keenaysa in ay kenya ka baxdo go’aanka maxkamadda ka hor inta aan lugu dhawaaqin natiijada, waana “Guul-darradu inta aysan ku halleelin ka bax garoonka”, balse xeerka maxkamadda oo ah mid hore loo saxiixay in uusan ka laaban-karin waddan ayaa diidaya wax kasta oo ay kenya samaynlahayd maanta.
Dhammaan Gal-galashada kenya waxa ay u tahay hal natiijo oo ay dadkeeda beer-laxawsi kaga doonayso, balse arrinku uu noqon doono mid aysan shacabkaasi marnaba ka tanaasulin.
XIDHIIDHKA KENYA IYO SOOMAALIYA
Dhanka kale go’aan gaadhista natiijadaas waxa ay sababaysaa in uu adkaado cilaaqadka labada waddan ee ay wadaaggaan xadka, tan oo ka imanaysa labada dhinacba.
Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa hannaan dhammaystiran oo ay ciidamada Kenya ee ka midka ah midowga Africa ee nabad illaalinta u jooga soomaliya in ay ka saarto gudaha waddanka iyada oo adeegsanaysa xeer sharciyadaysan kaas oo soomaaliya ka illaalinaya in ay ku xad-gudubto qaar ka mid ah xeerrarkii u yaallay iyaga iyo ciidamada ka jooga africa soomaaliya.
Waxaa macquul noqon-doona in labada waddan ay galaan saxmad-siyaasaddeed, waxaana meesha aan ka maqnayn in xadka u dhexeeya labada dal uu noqdoono mid ka duwan sidiisii hore.
saxafiyare2.wordpress.com
Cali Max’ed Gaaboow
Waa kuma sixiroolaha MW Farmaajo & Marwadiisa? (Dhageyso)
Xigasho: Muqdisho OnlineNin dhalashadiisa tahay dalka Chad oo lagu magacaabo Yousuf Aboulaye Adam aya la sheegay in uu yahay shaqsiga u sameeya sixirka Arbacadla ah ee ay isticmaalaan MW Farmaajo iyo Afadiisa Saynab Cabdi Macallin sida aad ka maqli doontaan codadka sirta ah ee laga helay ninkan.
Sida la sheegay waxaa MW Farmaajo iyo Yousuf Aboulaye ay isku arkeen magaalada Abu Dhabi waxaana u keenay dalaalka Yousuf. Yousuf Aboulaye aya sidoo kale u ah sixiroole Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashir iyo madax badan oo ka tirsan qaaradda Afrika.
Waxaa arrintan wakiil uga ah Madaxtooyada nin la dhashay Marwada Madaxweynaha kaasoo loogu dhiibo lacagta uu qaato.MOL oo heshay sawirka Yousuf iyo nuqulka baasaboorkiisa aya waxaa uu lacag joogta ah ka qaataa Madaxtooyada waana shaqsiga ka danbeeyo in la qalo neefaf xoola ah oo inta badan lagu arko magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale neefaf la gowracay la soo dhigi jiray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, waana astaanta lagu garto sixirka Yousuf.Dhageyso codadka laga helay xogtan.

Waxaa 9ka Sebteembar 2019 bilaabanaaya wareega koowaad ee dacwada badda ee Somalia vs Kenya
Waxaa 9ka Sebteembar, 2019 bilaabanaya Wareegga koowaad ee Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Haddii aad tahay wariye ama warbaahin ku sugan Yurub iyo meelo kaleba oo doonaya/dooneysa in ay goobjoog ka ahaadaan dacwada, fadlan is diiwaangeli kahor 2da Sebteembar, 2019 adiga oo buuxinaya foomka ku jira mareegta hoose.Tixgelin,
—–The first round of the Somalia and Kenya Maritime Case begins on September 9, 2019. If you are a journalist or broadcaster in Europe and elsewhere who would like to be present at the proceedings, please register before September 2, 2019 by filling out the form below.
Consideration,
تبدأ الجولة الأولى من القضية البحريّة في كينيا وكينيا في 9 أيلول (سبتمبر) 2019. إذا كنت صحافيًا أو مذيعًا في أوروبا وفي أي مكان آخر وترغب في التواجد في الإجراءات ، فيرجى التسجيل قبل 2 أيلول (سبتمبر) 2019 بملء الاستمارة أدناه.
الاعتبار،
https://www.eventboost.com/e/somalia-v-kenya-public-hearings-9-13-september-2019/19042/en_GB/
Daawo “Goroowe: isu soo bax lagu TaageerayoGuusha MW Axmed Madoobe”
Kala soco mar walba warar xaqiiq ah Run Sheeg waa ceyb sheeg
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/calisuxufi/
http://twitter.com/calisuxufi/
http://instagram.com/calisuxufi/
Cali Max’ed Gaaboow
Daawo “Daacishta Syria oo Filimkoodii soo gabagaboobay,”
Daacishta Syria oo Filimkoodii soo gabagaboobay, Toloow tan soomaaliya yaa ka damiin ah oo naga wata
Watch “#calisuxufi #Newzealand2019march15 “I am a proud Muslim and I am a leader of NewZealand polic”
#calisuxufi #Newzealand2019march15 #Newzealand2019 #freejournalis “I am a proud Muslim and I am a leader in the New Zealand Polic”
“Waxaan ahay muslim waxaan kaloo ahay Taliyaha Booloska New Zealand”
Cali Max’ed Gaaboow
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@gmail.com
Daawo “New Zealand: Dad lagu laayay weerar lagu qaaday laba masjid”
Nin hubeysan ayaa dilay 49 qof, islamarkaana dhaawacay 48 kale kadib weerar argagixiso oo ayada oo lagu jiro salaaddii jimcaha lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand.
Ninka fuliyey weerarkan oo ka dhacay magaalada Christchurch, ayaa si toos oo muuqaal ah ugu tabiyey Facebook, isaga oo cambaareynaya dadka muhaajiriinta ah, oo uu ugu yeeray “duullaan.”
Dadkii masjidka ku tukunayey ayaa ayaga oo dhintay ama dhaawac ah waxay daadsanaayeen dhulka, sida ka muquatay muuqaalka uu baahiyey ninka weerarka fuliyey.
Booliska ayaa sheegay in 41 qof lagu dilay masjidka Al-Noor, halka toddobada kale ay ku dhinteen masjid ku yaalla xaafadda Linwood, ayada oo qof kalena uu isbitalka ku geeriyooday.
Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dalka la geliyey heegankii amni ee ugu sarreeyey, waxayna ficilkan ku qeexday mid argagixiso.
Waxay sheegtay in la xiray afar qof oo xagjiriin ah, hase yeeshee aysan horey ugu jirin liiska booliska.
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@gmail.com
Cali Max’ed Gaaboow
Daawo “Muuqaalkii ugu Naxdinta badnaa ee Diyaaradii burburtay ee Ethopia Laheyd”
Daawo “Muuqaalka Diyaarad Laga leeyahay Ethopia oo Burburtay”
Muuqaalka Diyaaradii Ethopia ee burburtay
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
http://m.facebook.com/saxafiyare2
calisaxafi@outlook.com
Cali Max’ed Gaaboow
Farmaajo oo iibsaday wargeysyada Nairobi ugu waaweyn
Run-sheeg Waa Ceeb Sheeg:
Qareenka isla markaana ah Ganacsade Kenyaan ah oo ay ilma adeer yihiin Madaxweyne Farmaajo, Axmad Adanoo loo yaqaano (Axmad Dheere) iyo koox isaga la shaqeeysa ayaa waxa ay ka bilaabeen dalka Kenya in ay lacago badan ku bixiyaan sidii warbaahinta Kenya ay war fiican uga qori lahayd Madaxweyne Farmaajo iyo Dowladiisa.
Axmad Dheereayaa waxa uu gacanta ku hayaa lacagaha uu Madaxweyne Farmaajo sida farsameeysan dalka Soomaaliya looga soo qaado iyada oo lacagtaas si dadban lagu geeyo dalka Kenya. Axmad Dhere ayaa labadii asbuucba mar yimaada magaalada Muqadishu isaga oo la kulmaya MW Farmaajo, ka dibana maalin ama saacado ka dibna ugu dib ugu laabto dalka Kenya.
Dhowrkii asbuuc ee ugu danbeeyay ayaa Axmad Dhere oo wakiil ka ah MW Farmaajo waxa uu lacago siiyay dhowr saxafadood oo isugu jira Raadiyo iyo Wargeysyadda ka soo baxo dalka Kenya. Arintaan ayaa soo baxday ka dib markii sirdoonka dalka Kenyaay ka warheleen in dhowr wargeys ay qoreen qoraalo si qaldan uga tarjumaya shirkii sadax geesoodka ahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi.
Dowlada Kenya ayaa durabadiiba waxa ay ku wargalisay sadaxda Wargeys ee ugu waaweyn dalka Kenya in ay ka digtoonaadaan in la iibsado. Qaarkoodna waxaa loo sheegay in laga warhayo cida lacagta bixisay, meesha lacagta lagu bixyay iyo ujeedada laga lahaa?.
Habeenkii bishu ahayd Maarso ahayd 6da wargeyska wayn ee standard qaybtiisa Internet-ka ama loo yaqaano Standard Digital Mediaayaa waxa laga joojiyay qormo ka been abuureysay shirkii sadax geesoodka ahaa kaas oo lagu amaanayay Farmaajo. Ujeedada ayaa ahayd in lagu qoro wargesyka in Farmaajo diiday in wadahadal lagu dhameeyo murabka u dhaxeeya labada ka dibna warkaas loo tarjuno dadka Soomaaliyeed. Arintaana ayaana ah mid ka fog runta iyo go’aanadii ka soo baxay shrikii sadax geesoodka ahaa.
Dhanka kale waxaa uu Axamad Dhere lacag siiyay professors iyo aqoonyano Kenyaan ah in ay qoraan maqaalo ku qoran luuqada Ingiriiska oo lagu qoro magacooda kuwaas oo diyaarinaya qormooyin taageerayo fakarka Farmaajo. Ka dibana waxaa lagu soo daabacayaa wargeysyadda dalka Kenya iyada oo laga dhigayo in warkaas uusan ka imaanin MW Farmaajo.
Dowlada Kenya ayaa fartiin culus u gudbisay madaxda wargeysyadda ka soo baxa dalka Kenya uguna digtay saafadda Kenya in aan la iibsanin oo ay noqdaan kuwa ka tarjuma xaqiiqda runta ah. Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa waxa ay fartiin gaarsiisay Agaasime ku Xigeenka hay’adda Nabad Sugida Qaranka (NISA) Fahad Yasinoo loogu sheegay in dowlada Kenya la socoto isku dayga iibsashada Saxaafadda dalka Kenya oo ah mid madax banaan. Fahad ayaa ka haray wafdiga madaxweynaha isaga oo kulamo gaar ah la qaatay Sirdoonka dalka Kenya.
Waxaa sidoo kale lacago la siiyay wargeyso yar yar oo aan aad looga aqrisan dalka Kenya, qaarkoodna waa kuwo ku kooban Internetka iyo Baraha Bulshada.
Fahad Yasin ayaa ka dhaartay in uusan isaga war u haynin cida ficilkaas geysatay laakiin waxa uu balan qaaday in uu fartiintaas gaarsiin doono Madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo iyo Kheyre oo horay u burburiyay saxaafadii madaxa banaaneed ee Soomaaliya ka dib markii ay intooda badan lacag ku iibsadeed ayaa waxa ay hadda damac ka soo galay in sidoo kale ay iibsadaaan saxafadda Kenya.
RW Kheyreayaa horay waxa uu lacag u siiyay
Professor Peter Kagwanjaoo dhor mar soo qoray qoraalo lagu amaanayo RW Kheyre.

Daawo “Ninkaan Sida uu usoo koobay 1995-2015 kii”
Daawo Ninkaan Sida uu usoo koobay 1995-2015 kii waxaana loogu magac daray (Kun Qasaaraa ina Gaartay)
Putland: “Maxkamad 5 dhalinyaro ah ku xukuntay dil Toogasho ah”
Maamulka Puntland ayaa xukun ku riday shan ruux oo dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen fal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Shanta ruux ee la xukumay ayaa la sheegay inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu xukumay dhamaantood dil toogasho.
Kiiskaan maanta xukunka laga gaaray ma ahan mid la xiriira kiiskii Caaisha Ilyaas, balse waa kiis kale oo ka horeeyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Maxkamadda Puntland ayaa Eedeeysanayaasha ku xukuntay Dil Toogasho ah, isla markaana waxaa Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe lafaray in uu Xabsiga ku sii haayo Eedeeysanayaasha.
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@outlook.com
Cali Max’ed Gaaboow
Daawo “MW Xasan sh oo Dhiig u shubaaya dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Xalay”
Daawo “Khudbadii MW Axmed Madoobe” on YouTube
Pelosi Sends Letter to President Trump on the State of the Union Address – Speaker Nancy Pelosi
Pelosi Sends Letter to President Trump on the State of the Union Address
JANUARY 23, 2019
Washington, D.C. – Speaker Nancy Pelosi sent the following letter today to President Trump regarding the State of the Union address. Throughout the shutdown, now 33 days in, Democrats have repeatedly voted to re-open government so that federal workers can pay their bills, government services will be available to the American people, and the nation’s economy will not be damaged further.
In the letter, the Speaker wrote “I am writing to inform you that the House of Representatives will not consider a concurrent resolution authorizing the President’s State of the Union address in the House Chamber until government has opened.”
“Again, I look forward to welcoming you to the House on a mutually agreeable date for this address when government has been opened,” Speaker Pelosi continued.
Below is the text of the letter to the President:
* * *
January 23, 2019
The President
The White House
1600 Pennsylvania Avenue, Northwest
Washington, D.C. 20500
Dear Mr. President:
When I extended an invitation on January 3rd for you to deliver the State of the Union address, it was on the mutually agreed upon date, January 29th. At that time, there was no thought that the government would still be shut down.
In my further correspondence of January 16th, I said we should work together to find a mutually agreeable date when government has re-opened and I hope that we can still do that.
I am writing to inform you that the House of Representatives will not consider a concurrent resolution authorizing the President’s State of the Union address in the House Chamber until government has opened.
Again, I look forward to welcoming you to the House on a mutually agreeable date for this address when government has been opened.
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Faroole,Sh Shariif iyo Xasan Sh oo Loo Diidan yahay inay ka hadlaan xaflada caleema saarka MW Deni
Dawlada Fedeeaalka oo dadaal ugu jirta in Puntland aysan Hadal Jeedin Madaxdii hore Dalka iyo siyaasiyiinta amucaaradka ah.
Xafiisyada Madaxwenaha iyo Raiswasaaraha ee Muqdisho ayaa bilaabay in ay la kulmaan Xildhibaana u badan kuwa kasoo jeeda Puntland si ay ay culeys u saaraan Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Siciid Abdullahi Dani in aan la siinin Madaxdaxweyna yaashii hore Hassan Sh Mohamud iyo Sharif Shatif Sh Ahmed inay goobta ka hadlaan.
Arrintaan o haddi villada ay ku guleysato ay tahay inay dalka inqilaab qarsoon ku qabsatay.
Dhinaca kale waxaa dowladda Farmajo io Xasan kheyre ka welwelsan yihiin Khudbadaha la filayo in ay Jeediyaan Axmed Madoobee iyo Xaaaf oo la hubo inay dowladda runta u sheegi doonaan.
Xildhibaanada loo xil saaray ka shaqeynta arintaan waxa kamid ah Xildhiban Bidhaan wasiirka Kaluumeysiga, Xikdhiban Waaberi, Xikdhiban Xayir wasiir dawlaha Maaliyada, Xildhiban Abtidoon, Xikdhiban Xuseen Iidow, iyo Cabdi Saciid lataliyaha Amniga Farmaajo iyo Cabdi Gani Jaamac oo la taliya ka ah Xafiiska kheyre kana soo jeedo Puntland.
Dowladda oo qorshaheedu uu yahay inay burburiso dhammaan maamul goboleedyada kadib marka la abuuro madax maqaar saar ah ayaa ku guuleysan weysay inay puntland qorashaheeda qarsooon ka fuliso.
Arrintaan waa imtixaanka hadda u yalla puntland inay madaxdii hore ka joojiso inay ka mahadnaqaan casuumadda loo fidiyey maadaama ay yihiin madaxdii xoogeeyey jiritaanka Punland iyo MW Xasan sheekh oo dhameystiray dowlad goboleedyada Distuurka ku yaalla marka laga reebo Maqaamka Xamar oo uu qorshhiisu inuu ka howlgalo haddii uu soo noqon lahaa.
DIGNIIN: Sadax Xagalka Sharta
DIGNIIN:
Waxaa la leeyahay Saddax xagalka shartu waxay qorshanayaan in xubanaha kala duwan ee lagu martiqaaday Garoowe, in ay socdaalka ka carqaladeeyaan.
Waxay damacsan yihiin in ay jidadka ay ka xiraan, si loogana daahiyo duullimaadka, in ay is hor istaag toos ah ku sameeyaan dadyowga qaarkiisa iyo in ay diyaaradaha qaar duullimaadkooda diidaan.
Waxaa ka wada daran in ay qaraxyo saari karaan diyaaradaha ay raacayaan madaxda kala duwan, sida ku dhacday diyaaradda Itoobiya maalmo ka hor ama qaar ka mid ah hubkii lagu weeraray Kenya, oo la xaqiijiyey, in ay soo gadatay DFS, ayna lahaayeen ciidanka sirdoonka (NISA).
UK oo soo saartay warbixin sanadeed
UK , London.
January 20, 2019
UK oo soo saartay warbixin qiimeysay madaxweyne Farmaajo laba sano kadib
Baarlamaanka UK ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo dhowaad laba sano kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxa iska beddelay Soomaaliya.
Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay.
Waxay warbixintu sheegtay in Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
“Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yiraahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tiri warbixinta.
Wxaay ay intaas raacisay “Roobow waxa la xiray 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xariga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen.
Xarigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin cayritna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalw asaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya.
Si kastaba waxa ay warbixintu sheegtay in guul uu madaxweyne Farmaajo gaaraa ku xiran tahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya.
Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.
“September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nairobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaarnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.”
Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka UK waxay sidoo kale taabatay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo, oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xiriirka Somaliland.
“Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaarin wanaajinta xiriirka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tiri.
Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tiri warbixintu.
Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.”
#Xigasho
https://saxafiyare2.wordpress.com/
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Daawo “, the spokesman for al-Shabab, Ali Dhere told the media that the attack was carried out in Nerobi”
, the spokesman for al-Shabab, Ali Dhere told the media that the attack was carried out in Nerobi
Afyaheenka Kooxda Arxanlaawayaasha Cali dheer oo ka warbaxiyay weerarkii lagu qaaday Neroobi
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/saxafiyare2/

Daawo “Laba Qarax oo waaweyn iyo weeraro Toos oo ka dhacay Nairobi Xaafada Westland”
Daawo “Xildhibaan Zakariye SHALAY & MAANTA”
Xildhibaan Zakariye SHALAY & MAANTA
Xil: Zakariye
SHALAY Markuu Madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh wuxuu aad u weeraraya Dowladii xiligaas iyo in badii loo fasaxay kaluumeysato si sharci daro ah uga kaluumeysanayay iyo weeraro afka ah uu ku qaaday itoobiyaanka iyo Dekedaha oo la iibinaayay maanta oo badii shiinees loo fasaxay inay kaluunka ka xaalufiyaan Dekedihii dalkana lagu wareejiyay Itoobiya muxuu uga aamusan yahay waa su’aal ?????
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/saxafiyare2/
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Xil:Mahad Salaad Lix Su’aal oo Safarka Sh Kenyaawi weydiiyey Farmaajo
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu mUqdisho keenay Sheekh Keenyaawi, balse waxa uu madaxweyne weydiiyey lix su’aal.
Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad.
Duqa, Diin jacayl miyuu Sheekh Kenyaawi u keenay mise dano siyaasadeed ayaa wadaadka soo galay?!
1. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay muxaadaro loo qabto iska dhaafe maalin gelinkeed aadan arag Culimada magaalada kula jooga ee culuumta diinta akhrisa sida:
– Sheekh Axmed Iimaan, Sheekh Nuur Cali Jaamac, Sheekh Yuusuf Tuurxume Jimcaale, Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey, Sheekh Axmed Sheekh Xasan Qudhubi, Dr. Ibraahim Dasuuqi, Sheekh Cabdulahi Cusmaan Macalin (Minhaaj), Sheekh Maxamed Aw Cabdulle Cariif iyo Sheekh Maxamed Cabdisalaan (Guud).
2. Mar hadii duqiyow kuwii aad mowlacyada kasoo saarteen meel aadnan ku sheegin ee hoteelada Xamar ay ku xiranyihiin sida:
– Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baarud Gurxan iyo Sheekh Cali Wajiis.
3. Mar hadii duqiyow labadii sano ee la soo dhaafay masaajidka gurigaaga kasoo horjeeda aadan soo gelin labo Jimce iyo labo jeer oo aad janaaso u tagtay kaliya mooyee!
4. Mar hadii duqiyow muwaadin Soomaaliyeed oo halgamaa ah Abdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) aad shisheeye u dhiibtay. Urur Soomaaliyeed oo gobonimo udirir ahna Argagixiso waaye aad tiri adigoo Tigree ku raali gelinaya!
5. Mar hadii duqiyow Shacab Soomaaliyeed oo masaakiin ah guryahooda iyo beerahoodana dhex jooga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose GAAL Maraykan ah inta ku dalbatay aad xasuuqday kadibna aad tiri Shabaab ayay ahaayeen adigoo Maraykan ku raali gelinaya!
6. Mar hadii duqiyow habeen saqda dhaxe dad guryahooda jiifa aad u dhacdeen, hadana inta xasuuqdeen kabaha ku aasteen iyadoo ehel iyo asxaabta midna aan la tusin maydkooda!
In maanta wadaad inta noo keento aad nooga sheekeyso hala iscafiyo inta caruur 15 – 20 jiro ah oo degmooyinka Gobolka Banaadir laga soo daabulay isku keento aniga waxay ila tahay ADUUN iyo AAKHIRO SEEG ee Ilaahey inta baqdid umadda cafis weydiiso. Ilaaheyna usoo noqo.
Mahadsanidiin
WQ:Hon. Mahad Salad
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/saxafiyare2/
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Jooji Kaluumeysiga Ganacsiga Shicibka ah ee aan la aqoonsan oo aan sharciyeysneyn ee Soomaaliya
Olalaha Ilaalinta Maraakiibta ee Soomaaliya ayaa billaabay codsigan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo 3 kale
WAXYAABAHA LAGA HELI KARAA WAX KA BEDDELISTA !!
Soomaliya waxay leedahay xeebaha ugu dheer ee xeebaha Afrika iyo mid ka mid ah dhulalka ugu qanisan ee kalluumeysiga adduunka. Biyaha Soomaaliya ayaa xakamaynayay ilaa iyo markii ay dhacdey dawladdii dhexe ee 1991-kii. Markab kalluumeysi oo shisheeye oo waawayn ah ayaa fursad u helay inuu bilaabo boobka iyo boobka ilaha badda. Sida laga soo xigtay warbixinnada, kalluumeysiga sharci-darrada ah ee Soomaaliya wuxuu u dhexeeyaa US $ 140-400 milyan sannadkii oo ka soo gala dakhliga lumay. Nasiib darro, qaar ka mid ah shirkadaha kalluumeysatada ee ugu awoodda badan ayaa ka xaday qaar ka mid ah dadka ugu saboolsan dunida.
Dhawaan, xukuumadda Soomaaliya ayaa 31 shuruuc oo kalluumeysi ah u siisay Shirkadda Kalluumeysiga ee Shiinaha ee Shiinaha. Heshiiska kalluumeysatada ee hal sano ah oo qiimihiisu yahay US $ 1m oo keliya ayaa loo qoondeeyey si qarsoodi ah oo aan loo dhigin dadweynaha. Dhawaan dhowaan, waxa uu u hoggaansamay in aysan jirin indha-indheeyaayaal Soomaali ah oo ka tirsan guddiga taas oo si cad u jahawareeraysa Sharciga Kalluumeysiga Soomaalida. Inkasta oo heshiisku aanu u qalmin, ma naqaanno quotas kalluumeysiga ama wadarta guud ee la oggol yahay ee markab kasta. Sidoo kale ma garanayno nooca kalluumeysiga ay isticmaali doonaan illaa iyo inta aysan jirin goob-joogayaal Soomaali ah oo ka socda guddiga si loo kormeero hawlaha kalluumeysiga.
Wasaaradda FMR waxay kormeeri doontaa 31-ka maraakiibta shatiga leh iyada oo loo marayo Nidaamka Kormeerka Gawaarida (ma hubo in VMS shaqeyneyso). Waxay marnaba ka jawaabin su’aalahayga arrintan. Ka hor 10 cisho kahor, waxaan ku soo qoray dhawr emaar oo ku saabsan dhammaan dadka ay khusayso oo ay ku jiraan Guddiga Badweynta Hindiya ee Tuunaniga ah oo weydiisanaya ku-meel-gaadhka xayiraadda ee sharci-darrada ah ee badda haddii aaney joogin goob-joogayaal IOTC ah. Waxaan sidoo kale la xiriiray Hay’adda Seychelles ee Kalluumeysiga si ay u weydiiso haddii Seychelles ay kormeereyso maraakiibta shatiga leh ee haysta bini’aadanka sida ay soo jeedisay warbixinta Baanka Adduunka ee 2016-ka. Illaa iyo hadda, weli wali kama helin wax jawaab ah.
Shirkadaha kalluumeysiga ee Shiinaha ayaa si wanaagsan u yaqaan inay ku xad gudbaan xeerarka kalluumeysiga, hababka kalluumeysiga burburay, iyo in badan oo ka mid ah dalalka Asia iyo Afrika, waxay ku hanjabeen dhaqaalahooda waxayna burburiyeen kalluumeysiga yaryar (cilmi baarista Google!). Dalka Soomaaliya, maraakiibta Shiinaha waxay u isticmaaleen inay si sharci daro ah ku kalluumaystaan illaa iyo intii aan awoodno in aan aqoonsanno 7 ka mid ah maraakiibta shatiga leh ee horeyba loogu haystay kalluumeysiga sharci-darrada ah ee biyaha Soomaaliya sannadka 2015. Hadda maraakiibta hawlgalku waxay khatar toos ah ugu noqonayaan kaydka kalluunka, hab-nololeedyada iyo nabadgelyada cuntada ee dadka Soomaaliyeed .
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Soomaali Lagu Xiray Dal Tanzania
Sida ay qortay Jariiradda (The East Africa) waxaa dalka Tanzania ka soconaya howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dadka ajaanibta ah oo sida sharci darada ah ku galay dalkaasi,ka dib amaray ka soo baxay dowladda Dalkaasi.
Kangi Lugola oo isagu ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalkaasi Tanzania ayaa soo saaray amar uu siinayo laamaha socdaalka iyo amniga oo ah in ay gur guri uga baalaaran dadka soo galootiga ah ee dalkaasi,si looga hortago.
Meelaha ugu badan oo dowladdu ay sheegtay in dadkaasi inta badan ay ku dhuuntaan waxaa kamid ah Goballadda Kagera iyo Kigoma kuwaasi oo xad dhow la wadaaga dalalka Rwanda,Burundi Uganda iyo Kongadda Dimuqraadiga,xili dalkaasi ay ku soo food leeyihiin doorashooyinkii hoose ee deegaanada.
Howlgal ay dhawaan sameeyeen ciidamada ammaanka iyo ilaalada xuduudaha dalkaasi ayaa waxaa ay ku qabteen 11 muwaadiniin Soomaali ah,kuwaasi oo dowladdu ay sheegtay in ay kamid yihiin dad sharci daro ku galay dalkaasi.
https://saxafiyare2.wordpress.com/
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Injineer Yariisoow oo ka hadlay arrin uu ku baxay ‘Thaabit’
Lahaanshaha sawirka INJINEER YARISOW
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yarisow) oo ka hadlay magaalada Muqdisho aya soo hadal qaaday waxa sannadkan uu noqon doono maqaamka magaalada Muqdisho.
Injiner Yarisow aya sheegay in sannadkan 2019-ka uu yahay sanad laga tashan doono maqaamka magaalada Muqdisho iyo sidii dadka reer Muqdisho ay uga tashan lahaayen aayahadooda.
“ Sannadkan waa sannadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sannadkii dhameystirka dib u eegista dastuurka, sannadkii maqaamka Muqdisho bulshadeeda aayahooda ay uga tashan lahaayeen oo ay ula mid noqon lahaayeen gobolada kale ee dalka”. Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintani horay uga soo saaray qoraal uu ku caddaynayo in isaga oo qura uu guddoomin karo, go’aanna ka gaari karo maqaamka caasimadda, dhanka kalena wuxuu baarlamaanka ku baaqay in laga fogaado wixii keenaya xasilooni darro siyaasadeed.
Injineer Yarisow ayaa sidoo kale soo hadal qaaday matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir, waxaan uu yiri: “ Waa in sanandkan aan ka dhabeynaa in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad hadii ay ahaan laheyd aqalka sare iyo golaha shacabka.
Yarisow ayaa intaa raaciyay in muddo ay soo dulqaateen, qaabka keliya ee sidaasi lagu gaari karo na ay tahay wadajirka iyo midnimada ummada Muqdisho.
Dastuurka ku meel gaarka ee soomaaliya ayaa dhigaya in caasimadda ay yeelaneyso maqam gaar ah, waxaase aan la ogeyn sida hadalkaasi uu uga dhabeyn doono guddoomiye Yarisow iyo saameynta ay ku yeelan doono.
Maqaamnka magaalada Muqdisho oo ah mid xasaasi ah ayaa waxay dad badan rumeysan yihiin inay kamid tahay waxyaabihii galaafatay guddoomiyihii hore ee gobolka Banadaair, Thaabit Cabdi, oo xilka laga qaaday bishii Janaayo ee ee sannadkii 2018, kaddib markii isaga iyo Madaxda dowladda federaalka ay isku khilaafeen maqaamka Muqdisho.
Taabit Cabdi Maxamed, wuxuu aad ugu ololaynayey in la qabto shir looga hadlayo maqaamka caasimadda, kaasoo ay ku taageersanaayeen qaar kamid ah beelaha u badan Muqdisho. Waxaa kale oo lagu kala boodsanaa qorshe uu waday Mudane Taabit kaasoo uu ku doonayey in amniga caasimadda la hoos keeno maamulka gobolka Banaadir.
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/calisuxufi/
http://m.facebook.com/saxafiyare2/
http://m.facebook.com/gobolkabanadir/
http://twitter.com/calisuxufi/
http://gaaboowmedia.tumblr.com/
http://youtube.com/c/calisaxafi/
calisaxafi@outlook.com/
Cali M Gaaboow
Dhageyso “Madaxweyne Maamul Goboleed oo Maanta Putland Loo Doortay
Madaxweyne Maamul Goboleed oo Maanta Putland Loo Doortay Hadaba Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Putland Saciid C/llaahi Deni Waa Nin Noocee ah
Waa Kuma Madaxweynaha Maamulka Putland ee La Doortay
Madaxweyne Maamul Goboleed oo Maanta Putland Loo Doortay Hadaba Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Putland Saciid C/llaahi Deni Waa Nin Noocee ah
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/saxafiyare2/
http://gaaboowmedia.tumblr.com/
http://twitter.com/calisuxufi/
http://instagram.com/calisuxufi/
http://youtube.com/c/calisaxafi/
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Daawo “Ilhan Omar for Congress waa guul aad u weyn”
Eedeysanayaashii dilka Khaashuqji oo Lasoo Taagay Maxkamad
Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.
Wakaaladda wararka SPA iyo taleefishinka qaranka, oo warkan weriyey, ma aysan bixin wax faah-faahin oo ku saabsan kulanka maxkamadda ee maanta, iyo magacyada eedeysanayaasha.
Si kastaba, qoraal kasoo baxay dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha ay dhageysiga dacwadda ku wehliyeen qareenadooda.
Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay, in dacwad-oogayaasha ay codsi u direen Turkiga, ayaga oo raadinaya caddeymaha ay Ankara ka ururisay dilka Khaashuqji oo labadii October 2018, ka dhex dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.
“Xafiiska dacwad-oogaha weli ma helin wax jawaab, waxaana weli uu sugayaa jawaab” ayaa lagu yiri bayaanka.
Turkiga weli wax jawaab ah kama bixin arrintan, hase yeeshee saraakiisha Ankara waxay horey u sheegeen in caddeymaha dilka ay la wadaageen Sacuudiga iyo dalal kale.
Khaashuqji ayaa qoraallo ka dhan ahdhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku qori jiray wargeyska Mareykanka ee Washington Post.
Boqortooyada ayaa markii hore beenisay in Khaashuqji la dilay, hase yeeshee waxay sheekadeeda beddeshay oo ay dilkiisa qiratay toddobaadyo kadib.
Warbaahinta Turkiga ayaa horey u daabacay sawirrada xubno ka mid ah ilaalada Maxamd Bin Salmaan oo galaya qunsuliyadda ka hor inta aan lagu dhex dilin Khaashuqji.
Meydka Khaashuqji, oo la rumeysan yahay in la jarjaray kadib markii la dilay, ayaan weli la helin.
Sirdoonka Mareykanka, ayaa rumeysan in Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Khaashuqji, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
Somaliya: Itoobiyaan lagu soo Qabtay Dagaalo dhex marayay laba beelood oo ay ka dhinac dagaalamayeen
Faragelinta Qaawan ee Dowlada Itoobiya waligeed ayay jirtay laga soo bilaabo burburkii Dowladii Dhexe ee uu Hogaanka u haayay allah u naxariistee Maxamed Siyaad Bare Itoobiya waxay hub isugu dhiibi jirtay bereaha soomaaliyeed way dhacdaa in Dowladihii kumeelgaarka ahaa ay la shaqeyn jirtay lkn wali lama arag waxaa ah oo nagu cusub in Itoobiyaanku ka qeyb qaataan dagaalo sokeeye oo u dhaxeeyo beelo walaala ah oo soomaaliyeed ayagoo hal dhinac lasafan Tani may dhaceen balse waxaa masuuliyadeeda dusha uu usaaran yahay MD Farmaajo.
Wareysi Zakariye & Kamid ahaanshaha NISA
Waxaa Nasiib dara ah in NISA saraakiisheda ugu sareysaa uu kasii mid ahaado Ninka Noocaan ah
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi/
http://twitter.com/calisuxufi/
http://instagram.com/calisuxufi/
calisaxafi@outlook.com/
Cali M Gaaboow
SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran! WQ:Bashiir M Xersi
Date: 25 Jul 2017 Author: Bashiir M. Xersi
SAKADA Shabaab silaca SUUDLEYDA ayaa ka daran!
Duul madax FALLUUQ qaba, marka ay talinayaan, waxaad ka garataa duulduulka iyo is diidka talooyinkooda maamul. Hawtulhamagnimo! “ Hal nin gurran dheelmay dhanna u ma roona! ” waxaa la mid ah dadweynaha Muqdisho, oo hadba mid madax falluuq qaba ama maangaab ah, haddii uusanba MUHDI ahayn uu u taliyo. Soo dadkaasi maahan marka dad u dhexeeya GOCOR iyo GAFANE dhiiggooda miirta?!
Shalay waxay u dhexeeyeen Afweyne iyo kacaandiidnimo, waxaa u xigay qabqable iyo mooryaan, waxaa ku sii xigsaday wadaaddo iyo argagixiso la dirir, waxaa ugu sii xigsaday Alshabaab iyo dawlado fadhiid ah, haddana waxay maraysaa, in dhawr nin, oo dibadda ka soo laabtay suudadna xiran, ayey ayaankooda, ayaahamahooda iyo aayahooda ku ciyaaraan. Maalin walba iyo wareegto wareersan. Haa raalli ahaada waan is ka ciyaaraynnay!
Wareegtooyinka wareersan waxaa ugu dambaysay midda ku saabsan baadda ay Shabaab ka qaaddo ganacsatada Muqdisho, oo ay Shabaab ku sheegaan SAKO, nimannkan SUUDLEYDA ahna ku sheegeen, in ay tahay DAMBI lagu ciqaabi doono qof walba oo lagu helo! Cabsi iyo bajin! Hayaay! Waa aragti GURRACAN, oo aan garasho iyo garaad midna ku fadhin, aan ka ahayn iga gaarsii. Sabab? I la arag.
Wareegtada dhami waxay isugu jirtay amarro, gooddis, bajin iyo handadaad. Dhaqan shabaabeed la dawladeeyay, oo ay ka marneed keliya aayadihii iyo axaadiisyo boojeedkii Shabaabku ku maldihi jireen jirrinimadooda. Wareegtadu waxay ka koobneed toddobo qodob, oo lagu soo koobi karo; aqoonsi, taageero, deeqsiin, kaydin ama u fududayn iyo u tagid Shabaab.
Waxaa marag ma doonto ah, in Aadanaha dadka ay ugu gacan adag, uguna wax bixin liita ay yihiin
HANTIIYALAASHA iyo GACANSTADA lacagta iyo dhaqaalaha haysta, inyar oo damiir iyo dadnimo leh ma ahane, marka dhawrkan nin ee wareersan, ma ogyihiin tan, mise, isweydiiyeen, nin Xamar jooga, oo dhaqaalahan ku tacbay qaxar iyo qarax dhexdood, lacag SAKO ku sheegan oo aan nacfi iyo faa’iido uga soo laabanayn, in uu ka bixiyaa, in ay ku adag tahay ka sokow, ma tahay wax ka suuragasha? Haa sabab? Maya sabab?
Wuxuu yiri abwaan Faarax Nuur:
“Haddaan nabadda loo wada qastiyin wayska qiil jabane
Waaryaadha ka la quusannaye qoomamo la’aada.”
Ujeedka
tuducyadani ma moodaa, inay maantadan ka warramayaan? Alshabaab iney baad qaadato waxaa u fududeeyey ninka ka ciidanka badan kana cududda roon, ee aan awoodin inuu la dagaallamo kana sifeeyo dalka, haddana doonaya sidii geed quraanyo leh, inuu dadka ku carshacarsheeyo oo maalina yiraahdo, hubka dhiga, maalina yiraahdo, sakada joojiya? Hadda ninka sidaa lihi wuxuu ammaanka iyo sirta dowladda u dhiibtey Sakariye Xaaji ismaaciil: madaxii Sirdoonka Shabaab.
Dowladdu maxay wareegto uga soo saari weyday, in aan qof dhagarqabe ah, oo dadka iyo dalka dambiyo dagaal ka galay, dad aan waxba galabsan gumaaday, in aan xil umadeed loo dhiibin laguna maamuusin? Ninka Alshabaab sirtiisa iyo taladiisa u dhiibtey, miyaa ina leh sakada ha siinnina? Yaab iyo la ma arag iga dheh!
Sir ma ahayn, in Shabaab ay sako ka qaaddo ganacsatada magaalada Muqdisho, oo meeqo mar ayaad maqashay, in hotel hebel ama mehered heblaayo loo qarxiyey, ka dib markii Shabaab aan laga siin baadda (leejada)? Ciiddaan ka badan, haddana, Shabaab ganacsatada dhaqaalaha siiya waxay isugu jiraan labo; (1) kuwa qasab ku siiya, oo handadaad iyo cagajuglayn la kulmay ama diidmo ka dib, goobtii ganacsiga laga qarxiyey ama la dilay qof ay xigto yihiin isaga oo la xanuujinayo. Qofkaa wuxuu Shabaab leejada u siiyaa waa baqdin iyo cabsi uu ka qabo, ee u ma siin taageero. Ka muhimsane, wuxuu baadda u siiyaa waa in uu is ku dhawro, kuna ilaashado hantidiisa inta uu ku badbaadin karo. (2) Kuwa qanac iyo taageero ku siiya, oo ku aragti iyo iimaan ah. Waxay la dhacsan yihiin falalkooda iyo fahamkooda nololeed, oo waxay u arkaan badbaada saxda, ee dariiqa janno lagu gaaro iyo wixii maalinta dambe dhimman. Labada la falgal, kan dambe hadda aad ayuu u yaraaday, oo dhibka ku batay iyo gacan adaygga ganacsadaha ayaa isugu darsooontay.
Marka qofka aan taageero u hayn, haddana dhib hore uga la kulmay, ee dani ku qasabtay, uu Shabaab siiyo sako ku sheeg, maxaa xalkiisu noqday? Ma aragtida gurracan iyo silaca suudlayaasha ayaa loo daayey? Horta nin aan waligii hanti tacbin, noloshiina aan wax ku soo kordhin marka laga reebo, in sabada reernimada uu xilal ku qabtay, muxuu ka ogyahay duraafaha iyo caqabadaha dhaqaalahan lagu sameeyey ama lagu abuuray? Wasiirka amniga waxaa igu maqal ah, in uu hantiile yahay, marka maxaa qaaday? Ma illoobay qatarta ay ganacsatu ku ganacsadaan?.
Qof aan Xamar joogin intii u dhaxaysay
2006-2010 ama aan mar tegin sanadihii jihaadka iyo jannada, dhanka kalana xerta Xabshida, ma garan karo waxa ganacsatani dhib ay soo mareen iyo waxa ay qatar iyo qarax u soo joogeen inta ku nool cawosamaan iyo nasiib, marka in ay maanta wareegto wareersan soo saaraan waxay ku tusinaysaa heerkooda garasho iyo marnaantooda ogaal.
Baadda laga qaado qof aad ka itaal roon tahay, waa wax dunida dhan ka jira, oo ma ahan wax ku kooban Muqdisho. Dawlado ayaa laga qaadaa baad, shirkado ayaa bixiya leejada, maamullo ayaa madaxfurashada dhiiba, marka ay noqoto nafhurto iyo ku ma dhaaftaan. Marka weydiinta ugu muhimsan sheekadu waa in gacansato ay Shabaab siiyaan Sako maxaa u sabab ah? Hal arrin; NABAD LA’AAN! Yey eheed, in ay nabadda sugaan? Nimankan SUUDLEYDA ah, ee u gooddinaya ganacsatada hantidooda iyo heddooda badbaasanaya. Anigu waxaan qabaa, wax walba, oo lagu badbaadin karo ama lagu dhawri karo hed iyo hanti, in aan looga hibaysan hanfade ama hacoo aan halna hayn, berri markii xilka laga qaadana dib ugu laabandoona hoy shisheeye iyo hool aan ganacsi ool!
Ka warran qof gaabiskiisa WAXQABAD qofkii uu ka gaabiyey ugu guhaadinaya? Waxaa la mida dhaqanka SUUDLEYDAN ganacsatada ku haysata maxaad Shabaab sako ku sheeg u siisaan, ka dib markii ay sugi waayeen amniga ganacsatada? Saw waalli dhaqanta ma ahan iyo wareer? Horta nimankan madaxda sheeganaya, ma kafaalaqaadi karaan amniga bulshada guud ahaan, gaar ahaan ganacsatada? Hubaal, maya, haddaa maxay ka rabaan, qof ammaankiisa ku sugaya, shilimaad uu siiyey koox burcad ah, oo uu ogyahay, in ay xoog uga qaadanayaa?.
Ka muhimsane, horta nimankan SUUDLEYDA ah, ee aan ammaankooda sugi karin, ma sugi karaan ammaan bulsho iyo magaalo? nimankan SUUDLEYDA ah, haddii ay magaalada ka deggan yihiin hotello ay ku horyaallaan carrotuuryo laamiga dhinac ka goostay, labo gaari oo tikniko ahna ay waardiyeynayso, labaatameeyo dhallinayada ay hareeraha laamiga u tuban yihiin, oo qarashka ku baxa uu bixiyo ninkaa ganacsada ah, sidee ugu diidi karaa, in ganacsaduhu uu maalkiisa iyo naftiisa waardiyeysto, koley ku tahay, in uu Shabaab sako xaaraan ah siiyo? Ku darsoo, marka ay laamiyada iyo waddooyinka marayaan, waxay ku jiraan, oo ku socdaan baabuur qaflifan, oo aan xabbaddu karin iyo ciidamado dabayaacaya, oo faraha badan, una xilsaaran ilaaladooda, marka saw ma ahayn, in ay is ka dhigaan, oo magaalada ku maraan baabuur caadi ah, bal in sako Shabaab dhaafto iyo in kale?.
Jidcadde la xiro iyo laami la gooyo keliya amni iyo xasillooni ku ma yimaadaan, ee mid waxaan filaa, in ay caddahay, qaraxyada Muqdisho ka dhaca boqolkiiba sagaashan iyo ka badan waxaa laga soo abaabulaa gobolka Shabeellaha Hoose iyo jidkaa dheer ee Afgooye ka yimaad, marka inta la xannibi lahaa isu socodka dadka iyo magaalada waxay igu la qumman, in kasta oo aanan qofni amni ahayn, in jidkaa waxa ka imaanaya xoogga la saaro iyo siiba gobolkaa. Hadda oon faalladan qorayo, waxaa go’an adeegga farriin wareedka wakaaladda wararka dalka ee SONNA oo lagu gooyey amar Shabaab!
Ogow, is la gobolka kale, ee dariska ah caasimadda ee Shabeellaha Dhexe, waxaa ka taliya qaybo ka mid ah Shabaab, haddana, qaraxyo ka ma dhacaan mana ka yimaadaan, haddana ku ma taal, Tooro Toorow, oo ah meesha loo dirayo ganacsatada, oo u dhaxaysa degmooyinka Qoryeelay iyo Afgooye, balse, u dhow Qoryooleey, si ay leejada ugu baxshaan, marka labadaa gobol, oo aan laga sifayn Alshabaab, waxba ammaanka laga ma qaban, caasimadduna amni buuxda ma haysato, mar walbana waxay halis ugu jirtaa, in qaraxyo iyo wareerro hubaysan ka dhacaan, maxaa yeelay, halka ay ka yimaadaan ee laga soo maleego way caddahay, ee maxaan loo abbaarin?.
RIIX Halkaan https://bilediraac.wordpress.com/2013/10/28/687/
Mid kale, oo ka muhimsan aan idiin sheego mid kalana aan idiin raaciyo. Degaannada Shabaabku ka taliyaan waa ka ammaan badan yihiin degaannada dawladdu ka taliso. Dabcan, degaannada Shabaabka cabburis iyo ciriirin xooggan ayaa ka jirta, ayna sii dheer tahay gabdhaha guurka lagu qasbayo, halka dhinaca dawladduna aysan ka dhawmo yarayn, muhimadduse waa marka ay amni timaad iyo nabad, in ay Shabaab ku fiican yihiin. Midda kale, oo iyaga mudan xusiddu waa in dacwadaha guryaha iyo milkiyadaha ay dad badan doorbidaan, in ay ku ka la baxaan garsoorka Shabaab, maxaa yeelay, waxay ka garsan yihiin, oo ku saleeyaan eex iyo laaluush la’aan, halka dhanka dawladda wixii kaa gala aad ku dhammaysan karto kaliya musumaasuq iyo wax is dabamarin. Shilimaad. Weli ma is waydiiseen, musuqmaasuq ayaa la la dagaalayaa ayey idin leeyihiine, sida ay ku suuragalee, marka agaasime uu mushaarkiisu yahay celcelis kun iyo labo boqol dollar, uu habeen walba seexdo hotel saddax kun oo dollar bishii laga rabo inuu bixiyo?!
Bixinta sako ku sheegta Shabaab oo halmar ah waxaad ku helaysaa, in hantidaada iyo heddaada ay kuu nabadgeliyaan, oo qarax, ciriirin iyo cagajuglayn aad badbaaddo, balse, canshuurta SUUDLUHU qaado, ee joogtada ah, maxaa lagu helaa? Amni ma lagu haystaa? Adeeg caafimaad ma lagu helaa? Adeeg waxbarasho ma lagu hammiyaa? Dhismayaal waddooyin iyo degaan qurxin ma lagu habeeyaa? Maamul iyo maarayn ma lagu hormarshaa? Deeq shisheeye iyo ka ma hadal bixinta ganacsatada, ee waxaan ka hadlaa wixii canshuur ahaan ay dawladdu u qaaddo. Is ku laabo.
Tallaabadan cusub ee Shabaabku ku dalbanayaan, in ganacsato saka ku sheeg ku baxshaan Tooro Toorow waxay caddayn u tahay culayska amni ee ay magaalada ku hayaan iyo waliba is ku muujinta siyaasadeed ayna u diyaarayaan dawladda, AMISOM iyo dunida Xalane deggan, ee ay leeyihin, qofkii aaminsanaa, in aan dhimannay ama in laga taqallusay, ha ogaado, in aan magaalada Muqdisho wax ka maamulno, waliba Sakwadaad iyo taakulayn mujaahidiin aan ka qaadno! Aragtida SUUDLEYDU waxay noqotay, in ay sii ciqaabaan ganacsatadii ewelba dhibbaneed, halka ay eheed, in ay keenaan xal iyo xeelad nimankan looga qataallayso!
Waxaa ii muuqatay xeelad wanaagsan oo baadda ay ganacsatadu siiyaan shabaab looga faa’idaysan karay, balse, la garabmaray, anoon qof amni ahayn. Wixii ishu soo aragtay warinteed gacan weyn ayey gaysan kartaa dabagalka Shabaab. Nimanku lacagta baadda ah qaab gacan saar ah ayey badi u qaataan, ee bank iyo hab danabeed u ma qaataan, walibana meel gaar ah oo cayiman ayey seka ku sheegtaas sharwadeyaashu ku qaataan “Tooratoorow”, waana dad wajiyadooda iyo abtiriskooda la wada yaqaan, gaar ahaan waa qasab, in ganacsatada badankoodu ay qaar badan ka yaqaannaan nimankaan sida joogtada ah u baada.
Markaa anoo aan xeeladahaas bannaanka wada keenaynin maadaama laga yaabo, in berri ka maalin si dhab ah is la xeeladahaas loogu baahdo, ayaan haddana inta fahmi karta dusha uga xanteeyey. Haddii ay cadaalad, caqli iyo daacadnimo jirto waxaa muuqda dhawr hab oo ayadoo ganacsada la garabsanayo loo la dagaallami karo Alshabaabka ee malaha waan loo socon, in garashaxumo jirtana waa wax aad u macquul ah oo dhici kara.
Mid kale, oo gar Islaan ah aan ku daro, oo runtii dood in badan aan maqlay ah. Ganacsatadan labada dab u dhaxaysa, ee sakada (baadda) Shabaab iyo canshuurka (biilka)dawladda u dhaxaysa, waxay u badan yihiin beelaha HAWIYE, oo halkaa lacagtoodii iyo dhaqaalahoodii isugu geeyey, iyagoon degaan kale iyo dad waxba uga deeqin, is ka daa maamul iyo maarayn, in ay ku xoojiyaane, marka way ku habbooneed, in la helo wax kadeeda galiya oo kurbo iyo ku rida karkabo!
U dowladee si uu u dareemo inaad ka darajo sarreyso. Wareegto ku soo saar, si uusan waxba kaaga weydiin waxqabadkaaga. Hubka ka dhig, si aad u handadi karto una hadimeyn karto. Dhac oo boob, hadduu ka dhiidhiyana, dhiillo kale dhabarka u saar. Dhammaan halkudhegyadani waa kuwa SUUDLEYDA ay ku rabaan, in ay ku taajiraan maalmo, oo ay yeeshaan hanti aysan weligood hore u yeelan. Haddaba is weydiintu waxay tahay, ganacsatada ma ka gilgilan doonaan gafanayaasha doonaya, in shilimaadkooda ku naaxaan, mise, waa is ka goohi doonaan una gunuunuci doonaan, iyagoon garan qaab iyo qorshe ay naftooda iyo hantidooda ku badbaadshaan!
Is ku soo wada duubee, ujeedka wareegtadan waxay i la tahay, in looga dan leeyahay, in sida Shabaab looga qaado baad dheeraad ah ganacsatada ama in lagu boobo hantidooda, iyadoo la leeyahay waa dawlad-diid, oo wuxuu taageeraa Alshabaab. Waa dhaqankii kacaanka uu u ku dhaqmi jiray, marka uu doonayo, in uu la wareego hanti guurto ama ma guurto ah, oo ay leeyihiin dad la doonayo, in la dhaco, marka waa is la ubixii kacaanka kuwa maanta aragtidan gurracan la meehannaabaya, maxaa yeelay, qaramayn (dhac) hanti dadweyn iyo waxay ku indha qaadeen, boob dhaqaale dad kale kuna indha fureen!
F.G: taageero SHABAAB iga ma ahan, oo
SUUDLEYDAN , oon cidna aqoon ayaan halgan iyo ku la jiray hal adayg SHABAAB, balse, aragtida gurracan, ee bulshada lagu harawsanyo, ayaan waxba dhaamin
SHABAABNIMO!
NAXLI IYO NUXUUS!
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
https://bilediraac.wordpress.com/
https://saxafiyare2.wordpress.com/
calisaxafi@outlook.com/
Cali M Gaaboow
Eebe ha u Naxariisto Wariye Cawil Daahir Salaad
ﺍﻧﺎﻟﻠﻪ ﻭﺍﻧﺎﺍﻟﻴﻪ ﺭﺍﺟﻌﻮﻥ
eebe ha u naxariisto walaalkeen wariye CAWIL DAAHIR SALAAD Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan allah ka siiyo
Ogoow Qof walbaa wuu dhimanayaa waxaa u wanaagsan qof walbaa inuu ka tago dhaxal wanaagsan mar walbana waxaa lagaaga baahan yahay inaad miisaan saarto camalka aad sameyneyso ka hor hadii ay ahaan laheyd qoraal cod ama video ha ahaado mid kuu wanaagsan dadkaagana wax tarayo lkn hadii adigoo umad dhan masuul ka ah aad reebto wax kaa haleynaayo aaqiradaada adna wax kuu tareyn dadkaagana wax u dhimaayo
Qof walba waa masuul wuxuuna masuul ka yahay wixii la raaciyay
https://saxafiyare2.wordpress.com
Warshadihii Somalia Oo Dhamestiran 1970-1986
Cali M Gaaboow
Nin Qabiil Xambaarsan Xildhibaan Manoqon Karo
Dowlada Federaalka ah oo Xariga Sh Mukhtaar Rooboow kasoo saartay war rasmi ah
Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Federaalka ayaa goordhaw war ka soo saartay Xariggii Magaalada Baydhabo loogu geestay Musharax Shiikh mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in Roobow uu ku kacay Falal uu dib ugu soo cubnooneysiinaayo xagjirnimada maadama bey tiri uu abaabulay maleeshiyaad hubeysan oo uu ku qal qalgalinaayo amniga guud ee dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Roobow waxaa lagu eedeeyay in uu ka hor imaanaayo nidaamka dowladnimada iyo xasiloonada.
Wasaaradda Amniga ayaa waxa ay Roobow Hordhigtay Seddex Sharuud oo adag si Madax banaani loo siiyo waxaana sharuudaha ay kala yihiin.
1- In Mukhtaar Roobow uu ka tanasulo Fikirkii Xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi laheyn.
2- In uu Cambaareeyo Fikirka Xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka soomaaliyeed.
3- In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka djan ah dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
http://instagram.com/calisuxufi
calisaxafi@gmail.com
Xamar sow dhaxal umey heli Dhiig korkeeda lagu Qubo
Shacabka Dagan Xamar khaasatan Dhalinyarada waa inay u istaagaan sidii ay Amnigooda u ilaashan lahaayeen waxa dhimanaaya ee dhaawacmaayo waa shacabka muqdisho oo markii ay bil dhamaataba bisha bilowgeeda laysku miidaamiyo oo la dilo oo Dhiigooda la daadiyo Fadlan shacabka reer muqdishoow Garab istaaga Ciidanka Amnigiina Sugaayo oo Kalsooni & wadashaqeyn u muujiya
FG: waa inaan Lagu Tashan oo laga Tashtaa Xukuumadan F8 ee ku mashquulsan inay kursigooda & Dhiigga shacabka ay madaxda u yihiin ku badashaan Hantideyna maguurtada ah (Baddeyna & Dakadaheena)
#XAMAR #MAXAA #LOOXUMEYHAA
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/calisuxufi/
http://twitter.com/calisuxufi/
http://instagram.com/calisuxufi/
Cali M Gaaboow
calisaxafi@outlook.com
Daawo “Waa Gabar Soomaaliyeed oo Dhimirka La’a oo ah Farshaxaniste ah”
Daawo “Wiil soomaaliyeed oo Ku dayasho Mudan waa Cuuryaan ka qalin jebiyay Jaamacad”
https://saxafiyare2.wordpress.com/
http://m.facebook.com/calisuxufi/
http://twitter.com/calisuxufi/
http://instagram.com/calisuxufi/
calisaxafi@yahoo.com/
calisaxafi@outlook.com/
calisaxafi@gmail.com/
Daawo “Hees Xasuuqii Shacabka 14-ka Oktoober Codka Ikraan Caraale Erayada Xuseen Madoobe Music Saxardiid M Saxardiid
DAAWO “Sh Shariif Sh Axmed Oo Fariin iyo Dardaaran isugu jira u diray Dowlada Federaalka”
Ex:Madaxwene Sh Shariif Sh Axmed oo Fariin iyo Dardaaran Wax Ku Ool ah u Diray Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Runtana u Sheegay in ay illaaliyaan Danaha Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed eyna ka Fekeraan wixii Dan u ah Dalka iyo Shacabka soomaaliyeed
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi@outlook.com
Cali M Gaaboow
SANBALOOLSHE IN LA AAMUSIYUU RABAA (Faalo Xasaasi ah)
February 3, 2018
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xoogeystay hadaladda ka imaanaya Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Dad badan ayaa ku tilmaamay inuu isu rogay mucaarad ,laakiin taas dood ka duwan ayaa muuqata.Ilaa 4 wareysi oo kulul ayuu bixiyay ,wareysiyadda qaar wuxuu Dowladda ku dhaliilay gaar ahaan madaxtooyadda iney dagaal xoogan la gashay oo ay dhaafisay kursigiisii, wuxuu yiri madaxweynaha waxaa uggu jira faraanti jin ah, wuxuu diiday inuu si toos ah ugga hadlo arinta dhiibista Qalbi Dhagax inkastoo uu sheegay inuu isagu ahaa qof ku shaqeynayay amar madaxda kore ka yimid, wuxuu u muuqday nin wax badan og ,wuxuu mar walba isku dayaayay inuusan madaxweynaha dhaliisha saarin, , hadaba muxuu u hadlaya Sanbaloolshe?.
Dalka waxaa ka dhacday dhowr kiis oo aaney madaxdu ilaa hadda toos ugga hadal, Sanbaloolshe wuxuu hayaa sirta Qaranka gaar ahaan Dowladda hadda jirta, arinta Qalbi Dhagax waa u tun ku taagan madaxda hadda joogta, ma jiro qof ku dhiiran kara inuu sheegto inuu amarkaas bixiyay, wararka sheegaya in madaxtooyaddu lacag ku bixisay musharaxii la tartamaayay waxey u badan yihiin kuwa saxan.
Sanbaloolshe oo xilkii lagga qaaday ,midkii kalana lagga riixday waxaa u muuqata fursad uu xil kale ku raadsan karo oo ah inuu hadlo isagoo cabsi galinaya madaxdda sare, hadii uu Sanbaloolshe sheego cidii bixisay amarkii laggu dhiibay Qalbi Dhagax uuna cadeymo la yimaado waxaa dhici karta dhiiqo siyaasadeed, wareysiyadda nuucaan ah waxaa la yiraahdaa “i aamusi” oo la micno ah boos ii raadi .
Villa Somalia waxa ay ku qasban tahay in aamusiddo Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo uggu yaraan loo raadiyo safaarad waliba waa inuu noqdaa safiir aan la badalin waqtiga u haray madaxweyne Farmaajo sida ay qabaan dadka siyaasadda faaqidda, wareysiyadiisu waxey u muuqdaan fariin , hadii aan si deg deg ah loola hadal Sanbaloolshe wareysiyadda xigga ee uu dhiibi doonno waxey noqon karaan dacar siyaasadeed.
Sanbaloolshe waxaa laggu tilmaamaa nin aan gamban inta badan, Is bad baadintu waa qeyb ka mid ah fahamka siyaasadda fiyoow.
Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com
https://saxafiyare2.wordpress.com
calisaxafi2@gmail.com
Cali M Gaaboow
Gobolka Hiiraan
Beelweeynta Degta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Mudo 4 Sano kahor laga joogo lahadlay Madaxweeynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud isagoo hadalkiisa ku soo geba gebeeyay sidaan #Qoowmkii_is_Quursadda_Qoowm_kale ayuu #Qoryaha_u_guraa ” ee Reer Hiiraanoow idinka dhexdiina is tixgeliya oo is qadariya si aad horumar ugaartaan taasina hada madhicin weli halkii ayay taagan tahay !!!!!!
https://saxafiyare2.wordpress.com http://m.facebook.com/calisuxufi calisaxafi2@gmail.com Cali M GaaboowMAAMULKA MUQDISHO MISE MEELAHA KALE?!
Bashiir M. Xersi
Aragti suubban iyo eray suugaan
1 MAR 2013
Maamulka Muqdisho mise meelaha kale?!
Napoleone Bonaparte ( Ajaccio, 15 agosto 1769 – Isola di Sant’Elena, 5 maggio 1821 ) xilli uu duullaan ku ahaa dalka Masar , ayaa Saraakiil Sarsare oo ka tirsan ciidankiisu ka soo horjeesteen. Si uu ugu qanciyo ayuu wuxuu yiri, oraahdaan caan baxday ee ah: “ Ii sheeg qofka Masar xukuma, waxaan kuu sheegayaa qofka adduunka xukumee! ” illeen Masar waxaa ku yaal
Marinka Suways , oo halbowle iyo dhuun u ah isu gooshka dhammaan ganacsiga dunida.
Inta badan qoraalladayda marka aan sawir ka bixinayo xaaladda Waddanka, waxaan ku soo koobaa sidan: “Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBA SOOMAALIYA! ” sidaa maxaan u lahaa? Warcelinta waxaad ka dhex heli doontaa qormadee, aan adiga ku weydiiyo aqrite, Magaalada Muqidisha ma ISBADAL ayaa ka dhacay? Macne iyo mug mid uu ahaadaba, illeen walxuhu labadaa ayey u kala leexdaane.
Is rogiddaa ka dhacday; habka, hannaanka iyo hoggaanka Muqdisho, wax garab socday ma jirin ee la dhihi karo waxay bixin karaan ama baabi karaan wixii dhantaal, dhimaal iyo dhaamid ahaa. Waxaan uga jeedaa, rogmadyadii hore marna ma dhicin in “ Muqdisha; Magaalada UNUGGA DHIBA SOOMAALIYA! ” ay hesho horseed ku haga hilin ay uga huleeli karto hudda halaagga ee ay ku habsatay.
Meel xun iyo magaal xasarad gaar u leh ma jirto. Waxaase jira MAAN MARAN iyo MAQAAM MURAN! Micnaha dadka iyo dareenkooda unbaa xume, daar ama duddun daran ma jiraan. Waa tii la yiri: “ Duddun dareensi iyo duggaashi ma gasho! ” waxay tahay in aadan mar walba laba isku helayn, aan ku qotomiyo teennee, adoo xun magaalo ma wanaajin kartid. Dad iyo dabcigiis ka sii fog baan filaa. Maxaa yeelay; maan ahaan uma diyaarsanid, inta aan la gaarin maqaam iyo muuqaal.
Saddaxda qodob ee kala ah: 1- Muqdisha oo cududdii ciidan ee Alshabaab laga saaray. 2- Muqdisho oo laga hirgalshay kulankii duubabka DHAQANKA iyo SIYAASADDA. 3- Dhaqdhaqaaqya kala gaddisan, ee leh; dib u dhis, guriyeyn, camiraad iyo wixii soo raaca . Ayaa waxay keeneen in Muqdisho ay noqoto magaalo aan magacii hore iyo muuqii hore midna lahayn, oo aan filayo inay tahay aragti aan qaldanayn, haddii aysan ka tan badin ALALAASKA iyo
CAADIFADDU .
Haddaba, Muqdisha hoggaankeeda iyo hannaankeeda maxaa iska badalay? Qormo hore baan ku sheegay in la kala qaado labada xil ee kala ah: GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR iyo DUQA MAGAALADA MUQDISHO. Kuma ekaysane, waxaan ku daray in Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” qudhiisa aan laga reebin ragga uu haraadiga ka yahay, ee ay hore u soo wada shaqeeyeen. Tii ka dhacday waaba la ogaa, dirir iyo docdocaynba la iga dayn waa. Waxaana la i weydiiyey su’aashan: “MAXAAD INANTA U TIRI; LABA NIN HA LOO WADA GUURIYO?”.
Anoo aragtidii qaba, oon marna ka tanaasulin, aysanna xurguf iyo xasarad na dhex ool aniga iyo
Mudane Tarzan, oo annaanba is garanayn, hunguri iyo hammina iga hayn xil guud iyo mid gaar ahaaneed oo laga qabto Muqdisha. Wali waa taagan tahay baahida ah in labadaa xil la kala qaado. Kana sii muhimsane, wali waa taagan tahay baahida xidid siibka iyo jiridka jarka Musuqa iyo mururufaynta. Ma ahan in Mudane Tarzan aan eedaynayo, balse, aragti ahaan waxaan qabaa in hoggaankii hore ee uu hooris iyo hore meel uun uga jiray inaysan hufnaan ku shaqayn. Taana waxay keenaysaa in wali baqdintu tahay, haddaan
Maska Madaxa laga goyn, ma dhinto !
Qodobkaasi waa hoggaanka magaalada, maxaa yeelay, had iyo jeer sida hoggaanku u wanaagsan yahay ama u xun yahay ayaa loo dib dhacaa ama loo hormaraa. Aan jalleeco dhanka kale, ee aan marna ka ahmiyad yarayn hoggaanka. Waxaanba dhihi karaa, waa midka dadka dhami wada arki karaan, ee ay xukun iyo xus ku sheegi karaan. Maadaama ay tahay ilqabato iyo marag ma doonto.
Qodobkaa waa AMMAANKA. Waa filaa inaad adba sawiratay aragtidaada ku aaddan ammaan, waxa uu yahay, sida loo heli karo, waxa lagu ilaalsho, waxa dhimaala ama nusqaamiya, waxa lagu xakameeyo IWM. Haddaan NABADI jirin
NOLOLI ma jirto, heestu waa tii ahayd: “ Nabadaa Naas la nuuga leh! ” ama “Nabadeey macaaneey ” ee Abwaan Barre Maxamed Fiidow Leento curiyey. Haddaad ammaan la helin, aayo dambe iyo ayaan la joogo midna ma jiraan. Haddaan xasilooni la helin xasaradi dhammaan mee. Haddaan.. haddaan…
Haddaba, weydiinta baa ah; dawladdan cusubi maxay ka qabatay ammaanka? Maxay soo bandhigtay oo qorshe ah, ee la xiriira ammanka Muqdisho? Qorshe marka aan ku leeyahay waxay isugu jiri karaan dhaqaale iyo dhaqdhaqaaq. Aan si kale u dhehee, marka laga soo tago in Muqdisho laga saaray Alshabaab, ma la helay hab lagu hagi kari nabadda Muqdisho?.
Anoo warcelinta dib u dhiganaya, aan bal qodob muhim ah qoro, oo ah cinwaanka qormada. Aqriste, waxaad ogaataa, qofkii Xamar xukuma ayaa Soomaaliya xukuma. Micnaha waa midda aan u soo qaatay oraahda sare ee aan ku billaabay qormada. Ma ahan amrid kaliya, ee waa maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Had walba heer socodka dalku wuxuu ku xiran yahay
Caasimadda Muqdisha.
Aan kuu tusaaleeyee, maalintii dawladda Soomaaliya dhacday, meeshii ugu dambaysay, ee maamulkeedu ka dhisnaa Xamar bay ahayd. Waa dhihi kartaa madaxtooyadaa ku taallay, waxaa la yiri; “Libaax baqtiyey Maqaarkiisa lagu muran! ” Oo waxa aan kuu leeyahay aragtida baaba ah inayba sidaa tahay. Sidoo kale maalintii Gen. Caydiid dhisayey dawladdiisii SALBALLAAR Bari iyo Waqooyi ayaa looga soo xil doontay, haddaba, maxaad ku macnayn kartaa?.
Maalintii Maxkamaduhu ay gacanta u dhigeen Muqdisho, waqti badan kuma qaadan in
Gobollada Koofureed iyo Bartamaha ay soo xero galiyeen, heer Bari iyo Waqooyi ay cabsi la gilgilsheen, oo aqriste, Wadaaddadii Waallida waday haddaan Xabashidu hor joogsan lahayn ma kula tahay inay ka hakan lahaayeen gobolladaa? Anigu isma dhihin, balse, nasiib wanaag, hortoodbaa lagu soo baxay.
Falkii u dambeeyey wuxuu ahaa, dawladdii Shariif markii ay Alshabaab ka saartay Muqdisho ayaa awood loo helay in Gobollo kale laga saaro, heer Kismaayo laga baxsho, taa oo ka dhigan had walba qofka Muqdisha maamula ayaa gobollada ku xeeran oo dhan maamula si gaara, si guudna u maamula Soomaaliya.
Maanta haddii magaalada Alshabaab markii laga saaray laga joogo sanad iyo bilo, ayna wali jiraan qaraxyo, madaafiic habaaw ah, dilal qorshayn, bam gacmeedyo, Miina aasid IWM Muqdisho ma tahay magaaladii loo wada han weynaa? Kuma lihi magaalada waa inay intaa iyo inta kale ee aanan xusin ay ka dhammaadaan, illeen maba laga dhammayn karoo, magaalooyinka adduunka ugu nabadda badan ayey ka dhacaane, balse, midda aan weydiinayo baa ah, armaa wali gaabis baaxad leh jiraa?.
Aan sii jilciyee, inta shirar iyo sheeko la waday anigu wali ma shaahidin qorshe dhigsan iyo qaab qoran oo ku qeexan yihiin sida la doonayo in lagu sugo ee loo xoojiyo ammaanka Muqdisha. Taa oo keenaysa in weydiimuhu joogto ahaadaan, haddii aysan sii badanba. Dabcan waa la dhihi karaa, marar badan baa looga dooday looga hadlay, lagu soo qaaday kulammada dawladda u dhexdeeya ama ay shisheeyahaba la yeelato. Haddana, aqriste, adiga wax baddal ah ma ku muuqdaan? Haa, ha la soo boodin, illeen waa inaad eegtaa sanad ka hor sida meeshu ahayde, haddii kale, waxaad noqon INDHA KU GARAADLE!
Meelaha Muqdisho ugu nabdoon ee dadku habeenkii ku fiidsadaan waxaa la dhihi karaa inta u dhaxaysa LIIDO iyo agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula Xuubey ee Degmada Wadajir . Haddana, waxaa hubaal ah in nabaddu aysan ahayn Sarkaal Dowladeed oo Ciidmao Beeleed la socdaan. Ama mudane ay Askarta AMISOM ku gadaaman yihiin, ee ku dhex noqnoqda Xaafadaha Muqdisho .
Sidoo kale nabaddu ma ahan dabaqyo dhisid iyo guryo gadasho. Gaar ahaan xaaafado kooban oo ku yaal Muqdisha. Maxaa yeelay waxaan isla qirsannay in dawladdu aysan si buuxda uga talin dhammaan Waddooyina Muqdisho. Taa macnaheeda ma ahan in ay qolo kale haystaan, balse, ay jiraan wali awooddii sharta ee Alshabaab. Haddii uu yaraaday iska hor imaadkii foolka foolka ahaa iyo dirirkaa qoryaha culus, wali waxaan dhammaan qarixii iyo qalalabtoodii.
Si walbaba, Dowladdu waa inay xoogga saartaa nabadda iyo amniga Muqdisho, oo ay soo bandhigtaa qorshe meel loo raaco leh. Si loo helo hufnaan iyo qof lala xisaabtamo berri. Maxaa yeelay, inta laga helayo in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale hoose, Xildhibaan ama mas’uul saree kali ahaan u dhex mushaaxi karo guud ahaan xaafadaha Muqdisho oo dhan iyadoon jirin cabsi iyo baqdin, nabadi ma jirto.
Inta laga samaynayo qorshe cad amni ma dhawa. Af wax laga sheego meel lagu gaari maayo. Dunida qorshe dhigan iyo qaab sar go’an ayaa lagu socdaa. Dawladda ayaana taa laga doonayaa, ee waan filaa inaan qof kale looga fadhin.
Inta aanan Muqdisha sheekadeeda ka bixin, aan ku qodbo qodob muhim ah, ee la xiriira maalka Muqidha.
Dawladdu waa FEDERAL “GOBOLAYSI” , mudane walba wuxuu matalaa deegaan, sidaa awgeed, waa inuu mushaarka ka keensado deegannada uu ku matalo Baarlamaanka ama Xukuumadda, maxaa yeelay, suuragal ma ahan in maalin walba loo soo taagnaado DEKEDDA IYO GAROONKA MUQDISHO Canshuuraadka laga soo qaaddo, ama deeq dunidu bixiso, oo kaalay dalku Dekado iyo Garoommo kale ma lahan miyaa? Miyeysan jirin meelo kale oo Canshuuro shacabka looga qaaddo? Miyeysan joogin mudanayaal ka soo jeeda deegaannadaa?.
Midda kaba muhimsan baa ah, horta Xildhibaanka yaa soo doortay? Waxaa keensaday ODAY Canka Buuri ugu jiroo, Shaarbbo Galoolanoo Dabo ku Rays leh, haddaba, Xildhibaanka doonaya Mushaar, ha u doonto Odagaa soo magacaabay? Aan sii ballaarshee, ha u doonto Beesha uu ka dhashay ee meesha keensatay, illeen maamulka dawladdu wuxuu ku dhisan yahay waa AFAR iyo
BAR oo ka dhigan beelee.
Horta waaba su’aale, Dekadda iyo Garoonka Muqdisha ma Qaalli baa u qoray inay baxshaan mushaarka dawlad walba ee la dhiso? Mise sheekadu waa; SIDII HA AHAATO, HALKIINA HA JOOGTO! Run ahaan waa wax aan suuragal ahayn in marna dadka FEDERAL “BEELAYSI” lagu tatajiyo, marna, aan qodobkii ugu muhimsanaa ee
DHAQAALAHA la xiriiray la dhaqangalin.
Aqriste, aan kuu jilciyee horaba FEDERAL “BEELO” ah ayaan u ahayn, oo beel weliba dhib iyo dheefteeda gaar ayay u qaybsan jirtay, illeen heer;
Qoys, Raas, Jilib, Jufo iyo Beel guudba ayaa loo wadaagaaye, waxayna leeyihiin BOQOLLEEY ay wax ku qaybsadaan, haddaan xubnihii dalka maamulayey ku qaybsannay, maxaa diidaya in dhaqaalaha soo gala iyo kan baxayaba aan ku qaybsanno beel?! Aqriste, xal ma u aragtaa? Waan dareemaa inay adagtahay.
Ugu dambayn , dalku waa FEDERAL ama
BEELAYSI sida qofba u yaqaan, sidaa awgeed, waa in dhaqaalaha Waddanka soo gala loo dhan yahay, haddaan la yeeli karin, qof walbaa
BEESHUU XIL haye ku noqon lahaa ha la yimaado, illeen haddaan sidaa la yeelin, waxay ka dhigan tahay MUQDISHO kaliya hala jaqee, iyana ka daashay GAFANEE.
Dhanka kale, in kasta oo aanan anigu qolo gaar ah dhaleecaynayn, haddana, Hotellada Xamar, waxaa habeenkii lagu seexdaa saddax Boqol oo Dollar. Dhabbaha dhinaca kale ka marana waxaa ku yaal xeryo barakacaal. Ani suma kay qaban. Qolada Qurbajoogta lagu sheego ayey taa si toos ah u taabanaysaa iyo dabcan maamulka Gobolka, oo uu ugu horreeyo Tarzan, oo isba ah Qurbajoog xil haya ah. I lleen haddii laga qaado meesha uu ku dambayn doono cid garanaysaa ma jirtee.
Dhanka kale, marka Maamulka Gobolku leeyahay Shirkaddii ama Shaqsigii Ganacsi furayana, waxaa loogu deeqayaa dhul bannaan oo bilaash, saw xaq iyo xilba ugama mudna inta ku dhibaaysan xeryaha qaxootiga, ee aan gurina lahayn, kirana aan iska bixin? Isla sidoo kale, saw ugama baahi badna, dadka deggan xarumaha Dawladda, ee maalin walba caga juglaynta iyo baqdinta raaxada looga qaaday? Anigu ma garan.
Aanse aragti yar gudbiyee, haddii la qaadan karo, waan hubaa in la hirgalin karee, waa haddii ay jirto niyadsami iyo nuglaashee. Aragtidu waxay tahay; dadka deggan xarumaha dawladda iyo kuwa ku jira xeryaha Qaxootiga IN SI KU MEEL GAAR AH LOOGu CABBIRO BOOSAS AY DEGAAN, oo dawladdu leedahay, magaciisuna uusan ku qornayn, si berri iyo maalin kale hadba isbadalka jira iyo sida wax ku dambeeyaan loogu go’an qaato.
Sidoo kale, saw ma habboona in dawladdu ay dhismayaal ay leedahay dadka danyarta ah dib u dejiso, loogana kireeyo qarash aad uga yar, marka la barbardhigo kan Suuqa Kirada Guryaha. Kaba sii muhimsane, ugu yaraan, haddii aysan dadka barakacayaasha ah oo dhan taa u awoodin, saw ma ma qummana in Ciidanka Daawladda ee jaadadka kala duwan leh, inay dhismayaal gaar ah u sameeyaan, gaar ahaan intooda saboolka ah.
Caasimadda oon laga dhigin nabad buuxda, aanna wax laga qaban dhammaan arrimaha caqabadda ku ah nabadda Muqdisho, wax walba oo la sameeyo, gobol walba oo laga qabsado Alshabaab iyo dhaqaale walba oo dawladda loogu deeqo, waxba soo kordhin maayaan.
Maanka, maalka iyo muruqa waa in la isugu geeyaa sidii Muqdisho nabad looga dhigi lahaa, dhisme iyo dhaqaale isagaanba ka dhimmanaan doonine.
Bashiir M. HersiBashiir M. Xersi
Aragti suubban iyo eray suugaan
Menu
Maamulka Muqdisho mise meelaha kale?!
1 MAR 2013 16 COMMENTS

Bashiir M. Hersi
https://saxafiyare2.wordpress.com
Cali M Gaaboow
You must be logged in to post a comment.