Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Federaalka ayaa goordhaw war ka soo saartay Xariggii Magaalada Baydhabo loogu geestay Musharax Shiikh mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in Roobow uu ku kacay Falal uu dib ugu soo cubnooneysiinaayo xagjirnimada maadama bey tiri uu abaabulay maleeshiyaad hubeysan oo uu ku qal qalgalinaayo amniga guud ee dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Roobow waxaa lagu eedeeyay in uu ka hor imaanaayo nidaamka dowladnimada iyo xasiloonada.
Wasaaradda Amniga ayaa waxa ay Roobow Hordhigtay Seddex Sharuud oo adag si Madax banaani loo siiyo waxaana sharuudaha ay kala yihiin.
1- In Mukhtaar Roobow uu ka tanasulo Fikirkii Xagjirnimada, si cad oo aan qarsoodi laheyn.
2- In uu Cambaareeyo Fikirka Xag-jirka ah, isla markaana taageero dowladda Federaalka soomaaliyeed.
3- In aanu ku talaabsan ficil wax u dhimaya nidaamka dowliga ah iyo minjo-xaabin ka djan ah dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
http://instagram.com/calisuxufi
calisaxafi@gmail.com